Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo 24-kii saac ee ugu danbeeyay Switzerland kula kulmay...

SAWIRRO:-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo 24-kii saac ee ugu danbeeyay Switzerland kula kulmay Mas’uuliyiin sare sare!

1917
0
SHARE

Ra’isul wasaaraha xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Dalka Switzerland  soo gaaray maalintii shalay eheed isagoo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha aduunka oo ka soconaya Magaalada Davos ee Dalkan Switzerland.

Ra’isul wasaaraha ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay waxa uu kulamo gaar gaar ah Davos kula yeeshay mas’uuliyiin sare sare oo shirka ka qeyb galaya.

Masu’uuliyiinta ay kulmeen Wasiirka 1aad ee xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani,Madaxweynaha Baanka aduunka Christine Legarde, Madaxweyne Ku-xigeenka Dalka South Africa Cyril M. Ramaphosa,iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Dalka Ingriiska Tony Blair.

Sidoo kale inta uu shirka socda waxaa la filayaa in Ra’isul wasaare Kheyre uu kulamo kale la yeesho mas’uuliyiin sare sare oo madasha shirka ku sugan, Ururada Daneeya Soomaaliya   iyo Hay’adaha Deeqda bixiya.

Cabdiqani Cali Dalmar
Switzerland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here