Sami Kheidira oo si rasmi ah ugu biiray Real Madrid

Kooxda  Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis rasmi ah la gaartay xidiga qadka dhexe ee kooxda Stuttgard iyo xulka Germany Sami Khedira, . 

xidigaan 23 jirka ah oo si weyn uga dhex muuqday xulki Jarmalka ee ka qeyb galay ciyaarihi Koobka Aduunka ee bishan lagu soo gaba gabeeyey dalka South Africa ayaa u qalanka ku duugay 5 sano oo uu ku sugnan doono garoonka Santiago Bernabue .

Agaasimaha kooxda Stuttgart Fredi Bobic ayaa shalay sheegay in aysan ku faraxsaneyn in ay iska fasaxaan xidigaan, balse ay ka war hayaan in Khedira uu jecelyahay in uu ku biiro Real Madrid.

Khedira ayaa noqday ciyaaryahanki 2 aad oo uu lasoo wareego Macalinka cusub ee kooxda Real Madrid Jose Mourinho, sidoo kale isla bishaan ayuu heshiis la saxiixaday laacibka dadabka bidix uga cuiyaari jiray kooxda Benfica una dhashay wadanka Argentina Angel di Maria.

Real Madrid ayaa waxa ay dooneysaa sidii ay u buuxin laheed boosaskii ay banaayen Raul iyo Guti oo ahaa laba ciyaaryahan oo taariikh u reebay kooxdooda iyagoo ku kala biiray horyaalada .

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Bern-Switzerland

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com