Raul oo 2 sano heshiis ah la gaaray Schalka 04

Kaptankii hore ee xulka Spain iyo kooxda Real Madrid Raul conzalas ayaa si rasmi ah ugu  biiray kooxda Schalke 04 ee ka dhisan wadanka Germany, una saxiixay labo sano oo qandaraas ah.

33 jirkaan oo ka ciyaara afka hore ayaa isaga tagay garoonka Bernabue isbuucii la soodhaafay, kadib 17 sano oo uu ku sugnaa kooxda Real Madrid.

Raul ayaa ka gudbay tijabada  caafimadka waxaana lagu wadaa in Raul uu kooxdiisa cusub lasameyn doono tababarka.

macalinka kooxda Schalke 04  Felix Magatha aya yiri waa arin aad u fiican,  waana ku faraxsanahay in aan keeno Bundesligaha ciyaartooy aad u fiican iyo weeraryahan sumcad ku leh aduunka .

wuxuu intaa uu sii raaciye macalinka kooxda Schalke 04 , in ciyaaryaan Raul uu caawin doono kooxda.

Raul ayaa kooxdiisii hore Real madrid laqaaday 3 kamid, ah Koobka horyaalada yurub iyo 6 kamid,ah Liga wadanka Spain laga ciyaaro.

Ciyaaryaan kaan ayaa u saxiixay kooxdiise hore Real 323 oo gol, waxuuna  wadankiisa Spain u saftay 102 jeer una dhaliye 44 gool.

 

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Bern-Switzerland

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com