17 Sano kadib Raul oo Real Madrid ka tagaya
Kabtankii hore ee xulka Spain Raul ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo ka tagitaankiisa Garoonka Santiago Bernabue ee Kooxda Real Madrid kadib 17 xilli ciyaareed oo uu kooxda joogay.
Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in 33 jirkan uu qarka u saaranyahay in uu ku biiro kooxd Schalke ee dalka Germany oo uu u saxiixayo heshiis laba sana ah.
Gudoomiyaha kooxda Real Florentino Perez iyo agaasimada guud Jorge Valdano ayaa lagu wadaa in ay dhinacyada ka fariistaan shir jaraa,id oo uu saacadaha soo aadan Raul ku qaban doono magaalada Madrid.
Raul ayaa kooxda la qaaday lix horyaal oo ah La Liga, waxa uu galay buuga taariiqda kooxda qaranka ee Spain maxaa yeelay waa ninka ugu goolasha badan isaga oo dhaliyey 44 gool, 102 kulan oo uu saftay. Dhanka Kale Raul ayaa rikoor u dhigay gool dhalinta Champion Leugue Kadib markii uu noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan isagoo u saxiixay kooxdiisa 126 gool.
Wiilkan ku barbaaray kooxda ka dhisan casimada wadanka Spain ayaa qaadi doonta wadadii uu maray saaxiibkiisa Jose Mario Guti oo isago kal hore isaga dhaqaajiyay naadigiisa oo uu ku sugnaa in ka badan 24 sanadood.
Cabdiqani Cali Dalmar riyaale10@hotmail.com Bern-Switzerland
www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com |