taageerayaasha kooxda Ac Milan mudaharaad sameeyay.
![]()
“dooni
mayno guul darooyin, dooni mayno kaab la aan, waxaan sugaynaa ciyaartoy
cusub oo kooxda horay usii wadi kara, kuwii hore way cuslaadeen”
Ereyadaas iyo kuwa kale ayay ku qaylinaayeen kumanaan taageerayaasha naadiga reer talyaani ee Ac Milan .
Taageerayaasha mudaharaadka dhigay ayaa kor udhaafayay 3kun waxayna isugu soo baxeen garoonka tababarka ee kooxda Ac Milan.
Waxayna ka cabanayeen maamulka kooxda oo ay ku sheegeen kuwa aan ka naxayn guul darooyinka soo wajaha naadiga
Waxayna
shaaciyeen inay iminka tahay waqtigii loo baahnaa in wax laga badalo
hanaanka kooxda maamulka sarena looga fadhiyo isbedel koxda ah.
Naadiga Ac Milan ayaa iminka waxaa ku sugan xidigo aad u da,wayn kuwaas oo taariiq muhiim ah kusoo qaatay kooxda .
Mahamud hassan idaajaa
Madaxa sportska
Idaajaa_1@hotmail.com
Nairobi – Kenya
www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com |