Eduardo de Silva oo ku biiray kooxda Shakhtar

London:- Weeraryahnkii Kooxda Arsenal ee Wadanka England Eduardo de Silva Ayaa Kabahiisa Ka Qaatay Garoonka Fly Emarates oo ay leedahay kooxda Arsenal Isagoo Si Rasmi ah ugu Biiray Kooxda Ka Dhisan Wadanka Ukraine ee Shakhtar Doneskt.
27 jirkaasi asal ahaan ka soo jeeda Wadanka Brazil Balse Heysto Dhalashada Wadanka Croatia ayaa Qalinka Dul Dhigay 4 Sano oo Heshiis Rasmi ah oo uu ugu Ciyaaro Doono Kooxda Shaktar.
Eduardo ayaa tan iyo 2008 dii waxa uu la tacaalayay dhaawacyo is daba joog ah oo u diiday in uu si rasmi ah ugu soo dhex muuqdo kooxdiisa Gunner's. Eduardo ayaa Mushaar ahaan u heli doono £50 isbuucii.
2007 ayay ehed markii ay kooxda Arsenal ciyaaryahnkani ka soo iibsaday kooxda ka dhisan wadankiisa hooyo ee lagu magacaabo Dinamo Zegrab waxaana tan iyo intii uu ku sugna Naadiga ka dhisan galbeed Magaalada London ee Arsenal u Saftay 41 kulan isagoo u saxiixay wax ka yar 9 gool.
Dhanka kale Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa qorsheynaya in sanadkan uu isbadalo ku sameeyo kooxda Arsenal si ay ugu yaraan u soo hoyso Horyaalka Premiershipka ee Wadanka England.
 
Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Bern-Switzerland

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com