Liverpool oo soo Xiro galisay Ciyaaryan joe cole.

 

kooxda Liverpool ee ka Ciyaarta Horyaalka Wadanka Egland ayaa gacanta ku dhigtay Ciyaaryahan Joe Cole kadib Wada hadal dheer oo Joe Cole iyo Madaxda Liverpool  u socday mudo dhowr usbuuc ah.

Joe Cole oo kamid ahaa Xidigii Kooxda Chelsea kula guulaystay Horyaalka Sanadkii wadanka England Xili Ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa Liverpool ugu Wareegay Suuqa Xorta ah,ayadoo wac lacag ah aysan ka bixin kadib markii Qadaraaskii uu kula joogay Chelsea uu soo gaba gaboobay.

28 jirkaan u dhashay wadanka England ayaa Kooxda Liverpool Qalinka ugu duugay Hishiis gaaraya  Afarsanta Sano ee soo socota, waxaana kusoo biiritaankiisa Liverpool soo dhaweeyay Taageerayaasha Niyad Jabsan ee Kooxda Liverpool.

Joe Cole oo ka hadlay kadib markii la shaaciyay Hishiiskiisan Cusub ayaa sheegay in uu aad u jeclaa in uu mar uun ka Ciyaaro Gagida Kooxda Liverpool ee Anfield uuna la qaybsan doono wax kasta oo Kooxdiisan Cusub oo wajaha.

Roy hodgson Tababaraha Cusub ee Kooxda Liverpool ayaa sheegay in Kooxda Liverpool ay qaymo way ugu fadhiso kusoo Biiritaanka Laacibkan waxaana uu intaas raaciyay in Joe Cole gacan ka gaysan karo sidii Kooxda ay dib ugu soo laaban lahayd Kaciyaarida Koobka Horyaalada Yurub oo Sanadkan ay shaashadaha uun kala socon doonaan.

Cole ayaa ah ciyaaryaankii labaad ay la soowareegto kooxda liverpool, waxaa ka sii horeeye ciyaaryaan Jovanovic oo ka ciyaara afka hore una dhashay wadanka serbia.

Yusuf  Noor Mohamed

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com