Arsene Wenger oo soo afjaray doodii Fabregas.

 

Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday Wararkii baryahan danbe la isla dhex marayay ee sheegayay in Captain Cesc Fabregas uu ka ciyaari doono Horyaalka Spain.

 

Arsene Wenger oo Saxaafada  la hadlayay kadib markii uu soo dhamaaday kulan  saaxiibtinimo oo Kooxidiisa ay Laciyaartay Kooxda Barnet kaas oo kusoo idlaaday 4 iyo 0 oo guushu ku raacday kooxda Arsenal ayuu sheegay in Wararka sheegaya in Fabregas uu meel kale aadoyo ay tahay war laga bad badiyay.

 

 Arsene Wenger ayaa sheegay in Fabregas uu yahay Captainka Kooxda uu  macalinka ka yahay ee Arsenal meel uu ka adayana aysan jirin waxaana uu sheegay in Hishiis mudo dheer ka dhiman tahay uu kooxda kula joogo Fabregas.

 

 

Waxaana uu Arsene Wenger wax kama jiraan ku sheegay warka baryahan Saxaafadu hadal hayso ee ah in Seanka Soo socda uu Fabregas u hayaamayo Gagida Nou Camp ee kooxda Barcelona looga arimiyo.

 

Arsene Wenger ayaa sheegay in Xiligii uu socday World Cup-ka uu wacay Ciyaaryahanka fabregas oo kamid ahaa Xidigii Koobka u qaaday Wadanka Spain waxaana waydiiyay ayuu yiri in Koox kale uu danaynayo in uu ku biro balse waxa uu ii sheegay ayuu yiri in uusan meel uga socon Fly Emirates.

 

Arsene Wenger ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in Fabregas uu san sanadkaan meel uga socon kooxda Arsenal.

 

Maxamed Cabdi Salaad

 

 

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com