Shirka isbaheysiga Sanca oo arimaha Soomaaliya lagu soo qaadi doono

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray wadanka Yemen si ay ugu qeyb galaan shirka isbaheysiga Sanca.
Wasiirka arimaha dibada ee wadanka Sudan Kamaalu Diin Xasan ayaa isna ka mid ahaa wafuudi shalay dalka yemen gaaray si ay ugu qeyb galaan shirkaasi.
Waxaa lagu wadaa in Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka isbahaysiga Sanca ayaa yeelan doona shir gogol xaar u ah kulan ay magaalada Sanca isugu iman doonaan madaxda dalalka Kulanka Sanca, Kaasi oo ah kii tobnaad.
Yuusuf Dheeg ayaa lagu wadaa in uu soo hor dhigo Wasiirada Arimaha Dibada ee Isbaheysiga Sanca Xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo sidii Dowlada ku bahoobay Isbaheysiga Sanca ay gacan ugu Geesan lahaayeen Nabad ku soo dabaalida wadanka soomaaliya iyo Taabat Gelinta Heshiis ay kal hore wada gaareen Dowlada iyo Xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca.
Sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee wadanka Yeman marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SABA shirkaasi ayaa lagu jeex jeexi doona xaaladihii ugu danbeeyay ee dowlada ku jiro isbaheysigaasi gaar ahaan Wadanka Soomaaliya.
Isbaheysiga Sanca ayaa ah Urur ay ku bahoobeen wadamada kala ah Yemen, Somalia, Sudan, Ethiopia iyo Djibouti, waxaana la’ aasaasay sanaddii 2002.
Cabdiqani Cali Dalmar riyaale10@hotmail.com
wararka shabakada www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com
|