Qarax qasaaro geestay oo xalay Kismaayo ka dhacay
Qarax aad u culus oogeystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada al-shabab iyadoo qaraxaasina uu ka warbixiyay Maamulka Al Shabaab ee kismaayo.
Qaraxaani oo gilgalay dhawaqiisa si weyn looga maqlay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Guulwade ee Magaaladaasi Kismaayo, waxaana uu ahaa qaraxa mid ay ku cayaarayeen caruur da’doodu ay yartahay.
sida lagu soo waramayo qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday 1 wiil oo aad u da’ yar oo ka mid ahaa caruurtii ku cayaareysay Qaraxa halka shan kalana dhaawacyo ay ka soo gaareen kuwaasi oo qaarkood xaaladoodu ay halis tahay.
arintaan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub isagoo saxaafada u xaqiijiyay qasaaraha dhimashada iyo dhaawac leh ee Qaraxa ka dhashay, waxaana uu sheegay Sh. Xasan Yacquub Cali in caruurta ku waxyeeloobay qaraxa haatan lagu daaweynayo isbitaalka Kismaayo.
Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo ee maamulka xarakada al shabaab oo hadalkiisa sii watta ayaa sheegay inay xaafadaha magaaladaasi Kismaayo ka baarayaan bambaanooyin nuucaani oo kale ah si aysan mar kale u geysan qasaarooyinkii xalay ka dhashay kismaayo.
Ma aha markii ugu horeeysay ee qasaarooyin uu ka soo gaaro dadja rayidka ah walxaha qarxa iyadoo la ogsoonyahay in tan iyo markii ay ka curteen dagaalada sokeeye ay Soomaaliya si aad loogu duugay walxaha qaraxaha goobaha ay dadka rayidka deganyihiin.
wararka shabakada www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com
|