Xawaalada Qaran Express qeybteeda Waqooyiga Gaalkacyo oo Goordhow la dhacay iyo dad halkaasi lagu dilay.


Sida ay sheegayaan War goordhow naga soo gaaray Magalaada Gaalkacyo qaybteeda Waqooyi Maleeshiyaad hubaysan ayaa dhac iyo Boob u gaystay Xawaalada Qaran Express ee ku taalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Kooxahan dhaca gaystay ayaa Gudaha Xawaalada Toogasho ugu dilay Qaar kamid ah Shaqaalihii Xawaalada ayagoona meesha ka qaatay dhamaan lacagihii qaanada ku jiray iyo lacago kale oo badan oo Xawaalada yaalay sida uu noo sheegay mid kamid ah Shaqaalaha Xawaalada oo Magaciisa in la Xuso ka gaabsaday.

Ninka Warkan aan ka helnay ayaa sidoo kale sheegay in Kooxaha Maleeshiyada ee dhaca gaystay ay Goobya ku dileen Wakiilkii Shirkada Xawaalada Qaran ee Waqooyiga Gaalkacyo oo magaciisa lagu sheegay Jaamac Dheere, waxaana sidoo kale dhaawac halis ah soo gaaray mid kamid ah Shaqaalihii halkaasi joogay..

Lama garanayo Ilaa hada Sababta ka danbaysa in Maleeeshiyaad kani ay Xawaalada galaan oo dhibaatadan ka gaystaan waxaase Goobta dhibku ka dhacay soo gaaray Ciidamada Maamulka Puntland oo baaritaano ka bilaabay halkaasi ayadoona goobta ay iskugu soo Xoomeen dadweyne aad u farabadan.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco halkan

wararka shabakada www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com