Qarax ka dhacay Kismaayo iyo Alshabaab oo ka hadlay.

Qarax Xoogan oo Caruur Soomaaliyeed ay ku dhibaatoobeen ayaa Xalay ka dhacay Magalaada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.
Qaraxan oo Caruurta u geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose gaar ahaan Xaafada Guulwade.
Sheekh Xasan Yacquub Afhayeenka Walaayada Gobolada Jubbooyinka ee Alshabaab ayaa Qaraxaasi ka warbixiyay asagoona sheegay in Qaraxa uu dhacay kadib markii Caruur ay ku ciyaareen qalabka qaraxu ka smaysnaa sidaana uu qaraxu ku dhacay waxaana uu sheegay in qaraxa uu ku dhintay mid kamid ah Caruurtii ku ciyaaraysay ayadoona 5 kale oo isla Caruurtii ah uu dhaac kasoo gaaray.
Caruurta dhaawacan tay ayaa la jiiifiyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaas oo Xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo ayadoona si aad ah ay Xalada Caruurta uga argagaxsan yihiin dadka ku dhaqan Magalaada Kismaayo kuwaas oo kusoo booqanaya isbitaalka.
Alshabaab ayaa sheegay in Bamka qarxay nuucyadiisa ay Magaalada ku badan yihiin oo si aad ah ay Magalaada u dhex yaalaan waxaana Sh, Xasan Yacquub uu ka digay in Qaraxyadaasi Caruurta ay ku Ciyaaraan.
wararka shabakada www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com
|