Dilal xalay ka dhacay degmada Wadajir iyo ciidamada Dowlada oo baaris wado

Wararka ka imaanayo Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo geestay ilaa iyo dad kor u dhaafayo 3 ruux.
Dilalkaani ayaa dadka loo geysta waxa ay isugu jiraan kuwa rayid ah Ganacsatada deegaanka iyo kuwa kale oo la sheegay inay Al Shabaab ka tirsanaayeen, hase ahaate dilka koowaad waxa uu ka dhacay Xaafada Buula Xuubeey gaar ahaan halka looyaqaan Macruuf, waxaana halkaasi dil loogu geystay qof rayid ah iyadoo sidoo kale ganacsadihii dukaanka Macruufna la dhaawacay.

sidey wararka sheegayaan Falkaasi ayaa waxaa geystay kooxo hubaysan, waxaana halkaasi mudo ka dhacay israsaaseyn daqiiqado mudo socotay, iyadoo dhaawacii ganacsade Macruufna loo qaaday isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dilka kale ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir halkaasi oo ciidamada dowladda KMG ay ku qabteen ilaa 3 nin oo ay uga shakiyaan inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, waxaana goobta ay ku dileen mid ka mid ah sedaxdaasi walow labadii kale ay ka baxsadeen.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay in qofka ay dilka u geysteen  ay ka qaadeen hub isagu jira bastoolado iyo bambooyin uu xiligaasi watay, waxaana meydka ninkaasi uu yiilay goobta lagu dilay ilaa saakay waaberigii.
Saakay ayaa markii uu waagu baryay ciidamada dowladda KMG waxaa ay howlgalo ka bilaabeen xaafadaha Nasteexo iyo Buul xuubey ee gobolka Banaadir halkaasi oo baaritaano xoogan ay ka sameeyeen.
Degmada wadajir ayaa ka mid goobaha ugu nabdoon ee gobalka banaadir halkaasi oo ay deganyihiin dad aad u fara badan.

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com

wararka shabakada www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com