Xaalad Colaadeed oo laga dareemayo Qaybo kamid ah Gobolka Hiiraam.

Saacadihii u danbeeyay ayaa laga soo sheegayay qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan Xaalado Colaadeed kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo Ciidamada Xarakada Alshabaab.
Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa wada Qorsheyaal ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan.
Kadib markii warkaas soo baxay ayaa Ciidamada Xarakada Alshabaab ee halkaas ku sugan ay bilaabeen howlgal ay ku Xaqiijinayaan Amaanka Magaalada Baladweyne taas oo walaac ay ka muujiyeen dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.
Shacbiga ku dhaqan halkaasi ayaa Xarakada Al Shabaab iyo ciidamad Dowladda KMG ee gobalka Hiiraan igu baaqay in ay joojiyaan dhaq dhaqaayada dagaal ee ku wajahan magaalada Baladweyne.
Waxaana ay ka Codsadeen labada dhinac in ay u turaan dadka shacabka ah oo aysan ku dul dagaalamin,ayadoona aan la ogayn waxa Codsigaasi ay ka yeeli doonaan labada dhinac ee dagaalku uu ka dhaxeeyo.
wararka shabakada www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com
|