Al shabaab iyo ciidamo uu wato Sh.Axmed Madoobe oo Dhobley ku dagaalamay

Wararka ka imaanaya degmada dhoobley ee gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya Inta la ogyahay ilaa iyo 7 ruux oo labada dhinac ee dagaalanay ay ku dhimatay 12 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib dagaalo aad u culus oo maanta ku dhexmaray duleedka degmada Dhoobleey ciidamo uu horkacayo Sh. Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo ciidamada xarakadda Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday barqanimadi saakay ayaa ka danbeeyey kadib marki ciidanada sh. Axmed Madoobe ay weerar qorsheysan ku qaadeen laba saldhig oo ay Shabaabku ay ku leeyihiin duleedka degmada Dhoobleey.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaa ah dagaalka ayaa la isu adeegsaday hubka fud fudud iyo madaafiicda garbaha laga gano, waxaana durbadiiba uu dhaliyey qasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Waxa uu aad u saameeyey xaalada guud ee degmada Dhoobleey gaar ahaan suuqa iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga, hase yeeshee lama soo sheegin qasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Inkastoo hada ay gacanta ku hayaan AL Shabaab degmada iyo saldhigyada lagu dagaalamay hadana mudo kooban ayey u suura gashay ciidama sh. Axmed Madoobe in ay la wareegaan labada saldhig oo ay kasoo weereen midkiiba laba jiho.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in Shabaab ay dileen shan ka mid ah ciidamada Axmed Madoobe kuwaas oo ay ku amreen odayaasha deegaanka in ay aasaan, waxaana lagu aasay duleedka degmada dhoobley.

Degmada Dhoobleey ayaa waxaa sanadki hore la wareegay Al  Shabaab maraki ay ka qabsadeen ninka la yiraahdo Axmed Madoobe, waxaana tan iyo markaasi ay deris la aheyd weeraro ku dhifoo ka dhaqaaq ah oo ay shabaabku kala kulmaan ciidamada daacada u ah hogaamiyahaasi hore ugu tirsanaa ururka Xizbul islam ee xulufada la noqday dowlada Kmg ee Soomaaliya,


Cabdiqani Cali
riyaale10@hotmail.com

wararka shabakada www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com