Baaq Nabbadeed oo loo dirayo Maamulka Puntland.


Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa Baaqnabadeed u diray Maamulka Puntland iyo Ciidamada kale ee ku dagaalamaya Gobolada Sanaag iyo Bari waxaana ay ugu baaqeen in dagaalada halkaasi ka socda la joojiyo.

Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay aad uga Xunyihiin dhibaatada ka soo Cusboonaatay dhulka Maamulka Puntland ay ka arimiyaan Waxaana uu ugu baaqay in dagaalada la joojiyo oo wada hadal lagu badalo.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dagaalada ka socda Goboladaasi ay yihiin kuwo ay ku dhimanayaan dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan balse Cid soomaali ka baxsan aysan ku dhimanayn waxaana uu dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan oo Caqligu shaqeeyo.

Gobolada Bari iyo Sanaag ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo Ciidamo ka Amarqaata Sh, Maxamed Saciid Attam kuwaas oo dagaalkii ugu danbayay qasaare Xoogan ay kasoo gaareen dhinacyadii dagaalamayay.

wararka shabakada www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com