Madaxweyne Sh, Shariif oo soo dhaweeyay Go,aankii kasoo baxay Shirkii Madaxda Midowga Africa.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sh, Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u soo dhaweeyay Go,aankii shalay kasoo baxay Shir Madaxeedkii Madaxda Midowga Africa, ee ku adanay in Ciidamao dheeraad ah loo diro dalka Soomaaliya.
Sh, Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay gudaha Magaalada Kampala ee dalka Uganda kadib markii uu soo gaba gaboobay shirkii madaxa midowga Afrika uga soconayay Magaaladaasi ayaa sheegay in si aad ah ugu faraxsan yahay Go,aankii ka soo baxay shirka waxaana uu sheegay in raho weyn uu ka qabo in Ciidamadaasi ay si deg deg ah lagu geeyo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay muddo kordhinta loo sameeyay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo awood loo siiyay inay weerar kasta oo kaga yimaada xoogaga Mucaaradka ee dowlada kasoo horjeeda ay iska difaacaan adoona loo fasaxay Ciidamada Cusub in ay weerari karaan Goobaha ay ku sugan yihiin Xoogaga Mucaaradka waxaana uu Sh, Sahriif sheegay in uu Filayo in wax badan laga qabto Xoogaga Mucaaradka.
Ciidamada AMISOM ee la keenayo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay yimaadaan Soomaaliya isbuucyada soo aadan waxaana awood loo siiyay inay qaadaan talaabooyin ka dhan ah Xoogaga Mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidmaada AMISOM.
wararka shabakada www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com
|