Midowga Africa oo Ciidamo dheeraad ah Soomaaliya u soo diraya.

 

Shirkii Madaxda Africa uga socday Magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu Taageerayo dowlada KMG Soomaaliya.

Madaxda Midowga Afrika ayaa isku raacay in la taageero dowlada KMG Soomaaliya isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan wadanka Soomaaliya la geeyo ilaa 2 kun oo askari kuwaasi oo qeyb ka noqonaya Ciidamada Nabbad ilaalinta ee AMISOM.

Gaba gabadii kulankii Madaxda Africa uga socday Magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa Madaxda Wadamada Africa iskula garteen in Wadanka Soomaaliya loo diri Ciidamo dheeraad ah oo qayb ka noqonaya Ciidamada Midowga Africa ee Howlgalka AMISOM u jooga Magaalada Muqdisho.

Madaxda Africa ayaa isku raacay in Ciidamo gaaraya 20 Kun oo Askari loo diro Dalka Soomaaliya balse 2 Kun oo kamid ah Ciidamadaasi si deg deg ah loogu diro Gudaha Wadanka Soomaaliya si ay u badbaadiyaan dowlada KMG Soomaaliya oo dagaalo Culus kula jirta Ciidamada Xoogaga Mucaaradka.

Ciidamadan ayaa la sheegin wadamada sida rasmiga ah ay uga imaanayaan waxaase Ciidamada ugu horeeya laga filiyaa in ay ka yimaadaan Wadamada Ugandha,Jabuuti Burundi iyo Sinigool.

Ciidamadan ayaa loo fasixi doonaa in ay Weeraro ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Xoogaga Mucaaradka oo laga yaabo in dowlada weeraro looga soo qaado,sidaana ay ku noqonayaan Ciidamo Nabbad laaliyaal ah oo ka hortagaya in Amaanka dowlada Wax loo dhibo.

Midowga Africa ayaa horey waxaa Wadanka Soomaaliya uga joogay Ciidamo Gaaraya 6 Kun oo Askari kuwaas oo ilaaliya Goobaha ay ku sugan tahay dowlada KMG Soomaaliya.

wararka shabakada www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com