Sh,Maxamed Siciid Attam oo hanjabay in uu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Maamulka Puntland.

 

Wadaadka Hogaamiya Koox diimeedka dagaalka kula jira Maamulka Puntland ee lagu Magacaabo Maxamed Saciid Attam ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay lagalayaan dagaalo horleh.

Maxamed Saciid Atam ayaa ugu baaqay shacabka reer ku dhaqan Gobolka Bari Mgagaalo Madaxdiisa Boosaaso inay u istaagaan sidii ay ku taageeri lahaayeen dagaalka ay wadaan Ciidamada uu hogaamiyo ee ka dhanka ah Ciidamada Maamulka Puntland.

Wadaadkan ayaa sheegay in dagaalka uu kula jiro Ciidamada Maamulka Puntland uu yahay mid Xaq ah sidaa darteedna Shacabka looga baahan yahay in ay gacan kusiiyaan oo dagaalka ay kala qayb qaataan.

Kadib dagaalo culus oo ciidamo Ka amar qaata wadaadkan  ay shalay deegaano ka mid ah Gobolada sanaag iyo Bari ay kula galeen Ciidamada maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in ay ka go’ antahay in dagaalka ay kula jiraan Maamulka Puntland ayna sii wadi

Sheekh Attam oo Maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkii ay la galeen Ciidamada Amaanka ee Maamulka Puntland ay ka gaareen Guulo waxaana uu sheegay in hadaf kooda ugu weyn uu yahay sidii Dhulka uu ka taliyo Maamulka Puntland loogu Xukumi lahaa Shareecada Islaamka loogana hirgalin lahaa.

Dagaalka uu wado wadaadkan ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeeda qaar badan oo kamid ah dadka ku dhaqan dhulka Maamulka Puntland kuwaas oo aminsan in dagaal aan xal lagu keeni karin halka qaar kale oo kamid ah dadka ku dhaqan Puntland ay la dhacsan yihiin dagaalada uu wado wadaadkan oo ay u arkaan kuwo keenaya in halkaasi shareecada lagu Xukumo.

wararka shabakada www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com