Doqonimo xal loowaa gabay xiisa badan.

Gabaygan oo la magacbaxay "doqonimo xal loowaa" waxaa tiriyey abwaan da,yar oo lagu magacaabo Saadaq Cali Xuseen,
SAADAQ oo aan dhaawan kula kulmay magaalada Nairobi ayaa waxaan kala sheekaystay macnaha ku jira gabayga iyo sababtii uu u hinaasay, waxa uuna yiri:
“gabaygaan waxaan curiyey maalin kadib qaraxii naxdinta kubeeray somaali oo idil laguna xasuuqay Ardaydii, Wasiiradii, Suxufiyiintii, Dhaqaatirtii iyo waliba waxgarad badan oo somaliyeed”
Gabayga ayaa xambaarsan macna aad u wayn iyadoo meelaha qaarna ay yihiin kuwa digniin ah halka inta badan halku dhiga ujeedka mira gabayguna uu yahay kuwa tartaaran iyo baraarujin ah wallow aaysan meesha ka marnayn dulucda gabayga oo ah doqono aan daawo lahayn .
Waxuuna ku bilaabanayaa sidaan:
Damiir xumaha maantow. Dadkaagii xasuuqdoo. Duunyadoodi guratoo. Dumarkoodi dooxdoo. Ilmahoodi dubataye. Xageebaad dib ugu noqon.?!
Damiirxumaha maantow. Daarihii bakaariyo. Dacaladii barbara iyo. Boosaasiyo dushiibari. Kismaayana kasii daran. Guryahoodi dumisayoo. Dadkoodii ka burisayoo. Dabadaha kudidisaye. Xageebaad dib ugu noqon.
Yaadse dajin dalaaloow. Dibin daabyo culus iyo. Dakanaan hareyn baa. Gacantaa kudoontaye. Xageebaad dib ugu noqon.
Waxaa taas kasii daran. Hadii lagu daldalo oo . Ilaahey kudilo oo. Malag kugu dangiigsado. Laguu dumo halkii danbe. Dadkaaguna ilmeeyaan. Istaaf danaha jira iyo. Sarkaal kuu danaanshana. Uusan jirin halkii danbe. Camalkaagu dulmi yahay. Doqonoow maxaad oran.?
Dulli kugu shaqeystaa. Camalkaagi doorshaye. Doqonoow maxaad oran.? Ninki ruux kudila dulmi. Ama daqar kusoo dhiga. Dufaan qaxaysaa rabigey udiyaarshayee. Doqonoow sidee yeeli doontaa.? ---------------------------------------------- Aankula dardaarmee. Kudadaal warkeygaan. Kusoo diho had iyo jeer. Igab duub hadeertaan. Intaad taahsan tahayee . Naftu kugu danbeysee. Aanladuubin dunidaan. Ilaahey kadalab kheyr. Dib ulaabo oo bari. Ka ilmee difeetadi daan dansigii hore. Doqonimo mafiicnee yaan daalin kula tagin. Dadkaagiina kugu dirin. Qarax kugu dagiigixin asna uu dib isku dhigin.! Shacaboow dareenkiyo suugaanta deelkiyo. Warkaan aan diraayaa iska daal uun weeyee. Doqonimo xalloowaa.
Abwaankaan da,dayar aya shaaca ka qaaday inuu gabaygaan ugu tala galay inuu ku waaniyo dhalinyaro uu sheegay inay iminka dareensanayn waxa ay smaeenayaan, inkastoo uusan ii sheegin cida uu ula jeedo. Waxa uuna intaasi saadaq raaciyay inuu soo wado gabayyo kale oo qaarkod u ugu talagalay bahda saxaafada.
Abwaan Saadak Ali Hussein kalaxariir Email scxuseen5@hotmail.Com Ama Soona28@hotmail.Com ama +254723866161 Nairobi kenya.
Idaajaa_1@hotmail.com
www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com |