MAXAAD KALA SOCOTAA DEEGAANADA SS IYO DULMIGA LAGU HAYO?

 

Tan iyo markii ay meesha kabaxday dowladii soomaaliya ee milateriga ahayd ee uu madaxwaynaha ka ahaa Rabi naxariistii jano haka waraabiyee marxuun Maxamed Siyaad Barre ayaa marba marka kadanbaysa waxaa  gudaha dalka soomaaliya ku soo badanayay dagaalada sokeeye ee aan kala go’a lahayn haba sii kala darnaadaane dagaalda iyo weliba  melaha  ay kadhacaan.

 

Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxay kamid ahaayeen meelaha ugu nabada wanaag sanaa kadib burbur kii dawladii soomaaliya waxaana si nabad ah ugu dhaqnaa dadka degaanadaasi, iyodoo ay taasi jirtay ayaa hadana wakhtiyadii danbe waxa ay deegaanadaasi noqdeen meelo ay ku loolamaan labada maamul goboleed ee puntland iyo Somaliland haba ugu darnaatee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

15/10/2002,dii ayaa magaalada laascaanood ee xarunta u ah gobolka  Sool  iyada oo nabad ku naaloonaysa waxa soo galay madaxwaynaha maamulka Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo ciidamo uu wato isagoo markaasi damac sanaa in uu maamulida gobol kaasi gacanta kudhigo hase ahaatee wakhtigii uu soo galay sacado kadib ayaa waxa weerer xoogan ku sooqaaday ciidamo katirsan maamul goboleedka puntland oo uu hogaaminayay Xassan Maxamuud Dhiilood oo markaasi ahaa wasiirka waxbarashada puntland kanasoo jeedey gobolka Sool.

 

 Dagaal xoogan  oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh geystay ayaa maalintaasi magaalada Laascaanood ku dhexmaray labadaasi maamul iyadoo dhibaatada ugu badani ay soo gaadhay dadka ra’yidka ah, waxyar markii uu dagaal kaasi socday ayaa magaalada waxaa laga saaray maaulka Somaliland waxaana gacan kuhaynta gobolka Sool lawareegay maamulka puntland.

 

15/10/2004,tii maamulka Somaliland ayaa duulaan xoogan waxay  kusoo qaaday ciidamo ka tirsan puntland oo markaasi ku sugnaa deegaanka Xargaga oo 20 kiiloomitir dhanga waqooyi kaga aadan magaalada Laascaanood halkaasi oo dagaal dhimasho iyo dhawacba sababay uu ku dhexmaray labadaasi maamul hase ahaatee maamulka Somaliland ayaysan usuurta gelin in ay gacanta ku dhogaan gobolka Sool.

 

15/10/2007,dii ayaa duulaan xoogan oo uu markale soo qaaday maamulka Somaliland waxa uu kula wareegay guud ahaanba gacan ku haynta  gobolka Sool iyo weliba qaybo kamida gobolka Cayn oo ilaa iyo haatanba uu gacanta ku hayo maamulkaasi iyadoo shacabka kudhaqan deegaanadaasina ay cabashooyin fara badan kamuujiyaan iyaga oo sheegay in ay kala kulmaan caqabado farabadan sida barakac, xabsi iyo han jabaado waxaana kahor intii uusan maamulka Somaliland qabsan tira-koob kii lagu sameeyey uu sheegayey in  dadkii magaalada Laascaanood kunoolaa ay ahaayeen 15.000  oo qof, tira-koobkii 2010ka lagu sameeyayna  uu sheegay 3.000 oo qof oo keliya taasina ay kuu cadaynayso in dad aad ufarabadani ay isaga qaxeen magaalada intii maamul kani uu gacanta ku hayay.

 

15/10/2009,kii ayaa jahliyadaha kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo cayn waxa shir xaalada dadkooda iyo deegaan koodu uu marayo ay kaga arin sanayeen  ku qabteen magaalada Nairobi ee caasimada dal ka Kenya, waxaana shirkaasi ay kusoo doorteen maamulka ay ugu magacdareen hogaanka midaynta iyo badbaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn [SSC]waxaana hogaan kii ay soo doorteen ugu sareeyey Saleebaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye) iyo ku xigeenkiisa  Cali Sabarey  iyo weliba xubno kale oo kamid ah jahliyadaha  kasoo jeeda gaboladasi.

 

Maamulkan lagu dhisay magaalada Nairobi ayaa waxa uu dadkii doortay hortooda kasheegay  una balanqaaday in uu deegaanas dib ugu soo celinayo nabadoodii  waxaana uu maamulkaasi bil kadib ukici timay deegaanada SSC si uu  u oofiyo balamihii uu kaqaaday dadkii soo doortay,hogaanaka ayaa markii uu deegaanadaasi ka degey waxa u watashiyo iyo shirara gooni gooni ah lagalay  qaybaha kaladuwan ee bulshada sida garaadada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo dhamaan wax garadka beelaha SSC, hase ahaate ilaa iyo haatan maamulkaasi wax lataban karo kama uusan qaban deegaanadaasi waxaana weli kataagan dhibaatooyin kii hore uga jiray goboladaasi.

Maamulada isku haya deegaanada SSC ayaa marka ay dagaalamayaa waxa ay dhibaatada ugu badani soo gaadhaa dadka rayid ka ah waxayna kala kulmaan caqabado farabadan, Aamina Ciise oo kamid ah dadka ku nool magaalad laascaanood waxayna tidhi “dhibaatooyin badan ayaanu kala kulanaa waxayna noogu soogalaan guryaheena waxayna nawaydiiyaan canshuur hadaynaga waayaana waxay labaxaan albaabada guryaha qofkii kelmed kasoo celiyana waxaa loo taxaabayaa xabsiyada waxayna dadkeenii ku xidhxidhanyihiin xabsiyada kuyaala Burco,Berbera iyo Hargaysa”.

Xaalada amaan ee deegaanadaasi ayaa marba marka kadanbaysa kasiidaraysa ayada oo labada maamul ee puntland iyo somaliland uu midba geestiisa kasheeganayo in uu yahay maamulka saxda ah ee xaqa uleh  in uu maamulo, iyadoo madaxwaynaha maamul goboleedka puntland C\raxman Faroole uu mas’uuliyiinta hogaanka SSC ku tilmaamay in ay yihiin jamhad dano Gaar ah wadata, hadaba dadku waxay is waydiinayaan Faroole hadii uu jamhad dano gaar ah leh ku tilmaamay dadkii deegaanadaasi udhashay muxuu wax uga qaban wayay  xaalada cakiran ee gobolda SSC,?sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka somaliland ee xooga iyo  khasabka ku haysta deegaanadaasi ayaa  hogaanka  SSC  waxa uu ku sheegay in ay yihiin Argagaxiso, waa kaaf iyo kala dheeri in Argagaxiso iyo jamhad lagu tilmaamo mamul doonaya in uu dadkiisa iyo dalkiisa dhibaatada kasaaro.

Hadaba hogaanka loo doortay  midaynta iyo badbaadada gobolada SSC Saleebaan Axmed Ciise [Xaglatoosiye] ayaa wuxuu arintaas ka yidhi, “waxaanu soo rogi doonaa xukun degdeg ah oo lagula dhaqmi doono cidkasta oo ka hortimaada halganka, midaynta iyo xoraynta SSC iyadoo xukun kaasi uu qaban doono labada mamul ee Soomaali diidka ah ee mid waliba uu calanka goonida ah samaystay taasina ay cadaynayso in aysan Soomaali ahayn, shacabka reer SSC ee dulmiga lagu hayey mudada dheer iyadoo laga faa’iidaysanayey soomaali jacayl kooda iminka ma aqbali karaan khiyaamo, carqaladayn iyo afgenbi” Dr, Saleebaan Axmed Ciise ayaa hadaladan waxa uu kasheegay goob fagaare ah oo uu kula hadlayey shecabka ku dhaqan deegaanada SSC.

 

Isku soo wada duuboo shacabka reer SSC ayaan dhibaato mooyee marnaba wax faa’iido ah aan kalakulmin labadaasi maamul ee isku haysta, hadaba gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa waxa ay umuuqdaan sida Khaashmiirta ay isku haystaan India iyo Pakistan iyadoo waxa ay ku jiraan xaalad ah cidina uma maqna ceelna uma qodna

suleekho cabdulaahi

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com