Weriyoow kordhi aqoontaada

 

 

Iyadoo wax barashadu ay tahay aasasiga nolosha ,islamarkaana  qofka wax barta uu yahay mid dhinac walba ka dhisan, oo la jaanqaadi-kara dunidaan hadda aanu ku noolnahay oo la isku dhaafay dhinaca aqoonta, ayaa waxaan jecleystay in maqaalkan aan ku falanqeeyo heerka waxbarasho ee wariyayaasha Soomaaliyeed, maadaama ay badankooda u soo jeedin in ay ku dadaalaan dhinaca waxbarashada oo ay horumariyaan aqoontooda mustaqbalka.

 

Wixii ka danbeeyey burburkii Somalia waxaa si aad ah u batay tirada weriyayaasha Soomaalida ee ka shaqeeya warbaahinta qeybaheeda kala duwan , kuwaasi oon helin waxbarasho ku filan oo ay ku maareyn karaan howshooda saxaafadeed, inkastoo la dhihikaro waxaa jira dadaal ay sameeyeen wariyayaashaasi qaarkood oo xoogaa kor u soo qaaday sumcada  Saxaafada Soomaaliya.

 

 Waxaa jirta tiro yar oo wariyayaal ah oo sharaf iyo guul weyn u soo hooyey magaca bahda Saxaafada Soomaaliya iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed ka dib markii ay fagaaraal caalami ah ay ka soo muuqdeen oo ay ku guul eysteen abaalmarino  caalami ah oo si weyn loogu farxay, iyadoo sidoo kalena ay jirto in wariyayaal Soomaliyeed ay horkacayaan ururo caalimi ah.

 

Inkastoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaad arkeysaa in suxufiyiinta Soomaliyeed ee ku nool daafaha caalamka aysan u muuqan kuwa isku dayaya in ay wax barashada ku dadaalaan oo ay aqoontooda korarsadaan.

 

In badan marka aad u fiirsato Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo aad eegto,  waxa kuu soo baxaya inaysanba wax ka la socon aqoonta qiimaha ay leedahay iyo horumarka laga gaarayo Aqoonta, waxaana aad arkeysaa  wariyaal badan oo Soomaaliyeed oo ku mashquulsan, waxyaabo kale oo aan ku habooneyn in ay waqti badan ku bixiyaan. Waxaana ka mid ah howlaha ay sida toos ka ah ay wariyayaasha u galeen sameysiga ururo aan waxba ku fadhinin, ka sheekeynta waxyaabo aan macno-weyn laheyn oo horumarkooda dib u dhigaya taasi oo ay ka mid tahay in ay ayaga si toosh isugu mashquulaan oo ay wax iska sheegaan inta ay iskaashan lahaayeen oo ay ka fakiri lahaayeen waxbarashadooda.

 

Waxaa dhab ah in wariyayaasha Soomaaliyeed hadii ay wax barashada ku dadaalaan in ay wax badan ka qaban karaan wadankooda waayo saxaafada waa mid ka mida ah awoodaha ugu waayeyn ee dunida ee isbadel keena.

Badi wax garadka iyo aqoonyahanka soomaliyeed oo aan dhageystay fikirkooda ku aadan arrimahaan, dhinaca aqoonta ah ee wariyayaasha Soomaaliyeed waxaa ii soo baxay in sinaba ay wariyayaasha aysan ula jaan qaadi karin horumarka ay gaareen wariyayaasha aduunka, waxaana aqoonyahyaankan iyo wax- garadkaan ay ku doodayaan in Soomaalida wariyayaasheeda aysan u bareerikarin in ay wax badan oo hormar ah ay ka qoraan wadankooda Soomaaliya , halka ay u bareeri karaan in ay wax badan ay ka qoraan waxyaabaha dib u dhaca u keeni kara wadanka Soomaaliya ,taasina ay muujineysooso wax barasho la’aanta heysata wariyaasha Soomaaliyeed .

Dhaliil

Dhaliilaha ku aadan xaga aqoon-yarida ee wariyayaasha Soomaaliya ma yara, waxaana aad u yar in la dhageysto waanada iyo wax isku sheega. Tusaale yar marka aad wax u sheegto qof wariya ah oo aad tiraahdo waxaa kuu haboon in aad wax barato si aad u kordhiso aqoontaada waxaad heleysaa jawaab ah ‘waxa aan barankaro waan bartay, waxaana heystaa aqoon igu filan oo aan ku shaqeysto’  waa hadalada inta badan lagala kulmo wariyayaasha Soomaaliyeed.

 

Waxay tani dib u dhac ku tahay hor-u-socodka saxaafadeed ee Soomaaliya , taasina waxaa ka sii daranba in wariyayaasha qaarkood ay ku sii doodayaan in ay Saxaafada aysanba u baahneyn aqoon sidaasi u sii badan waana wax si aada ah loola yaabo amuurtaan oo kale marka aad aragto oo runtii ku tuseysa in weli lagu sii dhagan yahay wadadii qaldaneyd ee aqoon la’aanta iyo qar iska tuurida.

 

Gebagebada maqaalkeygaan ayaan waxaan isku weydiiyey haddii sidaani ay yihiin arrimaha ,muxuu noqonayaa mustaqbalka wariyayaasha Soomaaliyeed?

By Cabdulaahi Maxamed Xuseen (Taajirow)

Email. taajirow@hotmail.com

Fadlan waad sheegi kartaa wixii dhaliil ah oo aad ka aragto maqaalkan

 

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com