Dal aan dalkaada aheyn waa dareen ku joog!!

Horaa waxaa loo yiri “Dal aan dalkaada aheyn waa dareen  ku joog”,  Axmed Caalin oo ahaa aabihii Gabley Shimbirta ayaa laga haayaa murtidaasi marka uu cabiyrayeyna waxa uu arkay dhibta ku heysta dadka qurbaha, laakin arintaan waxaa ogaan kara kaliya qofka ka soo baxa wadankiisa oo yimaada wadan sharci leh isla markaasina  ajanabi uu ku yahay wadanka uu joogo arkana dhaqamada lagula dhaqmayo, wadankiis ninkii ka tagaee wehelkisa ma dheeraadee ma huro wal wal iyo wal bahaar…… iyo ereyo kale ayey abwaanadaa ka tiriyeen.

 

 Marka la joogo qurbaha oo ay dadka soomaaliyeed isugu yimaadaan goobaha munaasabadaha waxaa laga qaadaa heeso wadani ah waxaa lala hadlaa dadka siyaasada isku haaya dalka laakin arintaasi waxey ku egtahay kaliya goobta markaasi laga tirinaayo tixdaaasi ama heestaasi.

 

Maxaa la isku dilayaa, laysku dabar jaraayaa , dagaalaha sokeeya yey dani ugu jirtaa, inuu qabiilku  duli yahay qab qabluhuna dijaal yahay shacabkuna il daran yahay ma cidbey ka dedan tahay……..eraydaasi  markaan u fiirsano runtii waa ereyo qiiro leh qof waliboo  damiir leh dareemi kara  dhibaatada qabiilka leeyahay taasina waa waxa na keeney qurbaha.

 

Tan iyo  markii ay dhacdey xukuumadii dhexe ee allaha u naxariistee madaxweyne Maxamed Siyaad Bare dalkeena waxa uu soo maray maraxalado kala duwan iyo xukumo kale duwan haba ugu danbeyseee xukuumada uu madaxweyne ka yahay Shariif sheikh axmed laakin dhamaantooda wax is badal ah ay dalka u keeneen ma jirto iney wax huriyaan mooyaane fanaaniinta ayaa ka daba leh ilaahey baan idinku dhaarshee diinta soo xasuusto danta nabad u doonaa war dadka nolol u raadsho arintaasi ma jirtaa cid qaadatey? Jawaabtu waa maya xagee loo socdaa marka? Mudado dheeraatayee goormey mashaqada dhamaan, cidi nooma maqnee allow adaa maslaxada hayee allow muxubo isu keen geli  aamin.

 

Inaan arinkaan wax ka taabto waxa iga keeney ayaan rabaa inaan tusaale usoo  qaato waxaan qof u raacey waaxda socdaalka wiil aan deris aheyn waxaa ka dhecsanaa sharciga waxaan tagney immigration-ka waxey 7:00 am subixii markaan tagney xafiiska soo dhaweynta oo aan arinka ana u socono u sheegney ayaa waxaa nalagu yiri fariista waxaan fadhiney ilaa xiliga duhurkii salaada duhur kadib ayaan ku laabanay xafiiska waxaa nalagu yiri weli ayadoo wax jawaab ah nalaga siinin waxa laga yeelayo arinkeen ugu danbeyn marey tahay 6:00 am maqribkii ayaa waxaa noo yimid sarkaalka ugu sareeya waaxda socdaalka wuxuu nagu yiri waxaad tihiin ajanabi waa inaad bixisaan lacagta ganaaxa inta beri aad sharci darada ku joogteen wadanka anagoo markii horeba diyaar aheyn arinkaasi ayaa waxaa dhacdey iinuu hadana noo raaciyey hadii aad wadanka saacad xitaa sharci daro ku joogtaan waa inaad bixisaan lacagta ganaaxa ileen waxaad tihiin ajanabi!

 

Maalinkii xigtey ayaan hadana waxaan u raacey dhaqtar markan u galney dhaqtarka ayaa waxa uu noo sheegey inaan u imaano galabkii xiliga uu na balamiyey markaan u imaaney ayaa waxaa nalaga hor mariyey dadka kale oo wadanka u dhashay waxaan maagney inaan dhahno anaga ayaa ka soo horeyeney waxaa noo jawaabey dhaqtarkii waxa uu yiri halkaan waa wadankeyga ma ahan wadankiina soomaaliya iyo muqdisho , hase yeeshee waan ka soo tagney waxaan imid xaafadii aan deganaa waxaan arkey wiil soomaaliyeed oo lagu goobanaya oo ay garaacayaan ilaa 5 ruux qof waliba wuxuu doono ku dhufanaya soomaalida kale ee degan xaafadana ay kor ka wada daawanayaan aanan jirin cid ka celisa wiilka, waxaana garaacaya ragii xaafada maamulkeeda haayey, markii danbe ayaa waxaa ka celiyey wiil kale oo ay is yaqaaneen raga garaacaya wiilka arinkii ayaan is iri wax  ka ogaaw markaasi ayaan waxaa dhegahayga ku soo dhacay dadkii wiilka garaacayey oo dhahayaan halkaan waa wadankeena ee ma ahan soomaaliya iyo muqdisho anigoo igu taagan ereyadii aan ka soo maqley sarkaalka ugu sareeya waaxda socdaalka iyo dhaqtarkii ayaa hadana waxaa ii raacdey erayada ay ku hadlayaan dadkii xaafada.

 

Ugu danbeyntii soomaaliyey maxaa nala gudboon dalkeena bur burey inagaa gacanateena isugu geysanee tallow muxuu noqon doontaa mustaqabalka jiilkeen soo koraayow , waxaan hadalkeyga ku soo af jarayaa ila daawada labadan heesood ay kala qaadayaan fanaanka Cawaale aadan http://www.youtube.com/watch?v=YdBNAM0XIW8 iyo fanaanada farxiyo fiski http://www.youtube.com/watch?v=gKtMpAAGR70

 

Wixii talo iyo tusaale ah fadlan iigu soo hagaajiya e-mailkeyga taladiina iyo fikirkiina waa ii muhiim

Said Omar baafo

baaffo@gmail.com

 

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com