Wariye Cabdi Sataar oo faalo dareen leh ka qoray xaalada Somaliya

Marka laga hadalyo Soomaaliya gaar ahaan Magaalda Muqdisho iyo Gobalada Koofurta Soomaliya inta badan dadka waxaa ku soo dhacaya dhibaatada guud ee wadanka ku habsatay Sida Dowlad La”aanta Barakaca,Dilka, Rajo la’aanta iyo mustaqbalka Wadanka oo ay dadku saadaal wanaagsan kaheysan.

 Hasayeeshee qormadaan waxaan uga hadlayaa arin muhiim ah oo uu qof walba dareemayo marka uu aqriyo.

Marka aad eegto Ciwaankaa Maqaalkaan waxaa Maskaxdaada ku soo dhacaya Wadaad,Sheekh,ama magaca aad u garaneyso Dadka fidiya Diinta Islaamka, Sidoo lake marka aad maqasho wadaad  meel heesata waxaa kugu soo dhacaya  Masaajid Camiran,Barashada Cilimiga oo fida,Nabad galyo,Dulimiga oo lawaayo.Barwaaqo iyo wax walba oo katurjumaya magaca uu wato qofka aan kahadleeno.

Sidaa darted maqaalkan waxaan ku gorfeen doonaa,isbarbar dhig ku saabsan intii aysan Culimadu Hubka qaadan,oo ay joogeen hogaamiye kooxeedka,iyo nidaamkii qabiilka sida barashada Diinta Islaamka  ugu fideesay Dalka Soomaliya gaar ahaan Koofurta oo ay qormadan quseyso iyo hada oo wadaad hubeesan meel walba joogo sida ay u laciiftay barashada Diinta Islaamka.

Hadii aan u daadago dulucda maqaalkaan,aan soo dhaweeyo Waqtiga isbarbardhiga aan kabilabeeno si dadku ufahmaan ujeedada laga hadlaayo, waxaad kasoo qabataa Shan Sano kahor bal sida magaalada Muqdisho aheed iyo Iftiinkii laga dareemayay Dhinaca Fahamka Diinta Islaamka.

Waqtigaa Aminaga magaalada Muqdisho waxa uu ahaa mid aan leysku halee karin oo waqti walba qofku uu filankaray in ladilo,ladhaco,loo hanjabo,sababtoo ah magaalada waxaa katalinayay Hogaamiyi Kooxeedyo aan heshiis aheyn iyo qabaa’ilo aan isku calool fayoobeyn.inkastoo maanta ay kadarantahay.

 Sidaasi oo ay tahay Magaaladu waa ay kala socotay Ganacsi ahaan,Waxbarasho,waxaa sii fidayaay Deegaanka Xamar.laakiin dadku waxa ay aad u tabayeen adeegii Dowladeed oo aan wadanka kajirin, dhinaca kale arimahaas kala duwan ee wadanka  waxaa  barbar socday Kobaca iyo barashada Diinta Islaamka.bal aqri Qodabadan Kooban,waxaad dareemeesaa in magacii Sheekh uu lumay ama uu mugdi galay.

1-Waxaa camirnaa oo buuxay Masaajida meel walba oo ay uga yaalaan magaalada Muqdisho,oo mararka qaar masaajida iyadoo aan lagaarin Waqtiga Salaada ayeey buuxeen oo Cilmiga Islaamaka ayaa laga baranayay.Laakiin Maanta Masaajidu in ay camiranyihiin iska daaye qaarkood Dugaagta ayaa ku hoyota.

  

2-Waqti walba waxaa kasoo baxayay Masaajida Arday Mutacalimiinah oo wax laga weydiin karo Su”aal walba oo ku saabsan Diinta Islaamka, Hasa yeeshee Maanta Arday kasoo baxa iska daaye Wiilasha dadka laaya ayaa kasoo baxa dhinac walba oo ay u shaqeeyaanba.

 3-Qilaafka Culimada kama maqneen magaalda iyo Masaajida dhexdooda.laalkiin Sheekh walba waxa uu Diinta  barayay Ardayda u soo cilmi doonata balse manta Culimadaa lamahayo oo waxa ay iskugu jiraan kuwa hubka sita,kuwa Cilmigooda la’aamusay iyo kuwa wadanka iskaga cararay.

4-Mararka qaar dadku waxa ay fursad u heli jireen oo ay dhageesan jireen Culimo ku doodeysa meelo .Maxfal ah oo isku heysta Masaa’il Diini ah,Maantase culimadaa lama haayo,laakiin waxaa joogo kuwa meelahaas isku gaaleesiiya oo dhiigooda iskugu baneesta,

 5-Idaacadahu waxa ay ahaayeen meelo Culimadu ay soo fariistaan Si ay uga doodaan Mas’alooyinka qaar,Wariye ayaa dhex dhexaadinayayDadkuna Su”aalo ayey weydiinayeen,waana ladhageesanayay.waxa ugu badan ee dadku ku doodaan waxa ay aheed Sheekhaas Doodiisa waa laga fiicanyahay, maanta lagama yaabo in Laba Sheekh Idaacad ama meel kale oo dadku kadhageesataan ay iskugu yimaadaan iyaga oo isqancinaya.

6-Waxaa Xaafadaha qaar daris ku ahaa Culimo kala aragti ah oo aad u kala fog oo waliba ladhihi karo waxaa  dhici jirtay in Salaada isku xiran.Balse maanta Culimo kala argti ah in xaafad daris ku noqdaan iska daaye Meelaha qaar kama daneesan karaan.oo ay kala joogaan.

7-Inta badan xaafadaha Muqdisho waxaa ku yiil Masaajid ay kala hogaamiyaan Culimo kala Firqo ah oo muxaadaroooyinka isku radiya iyagoo  qofna magaciisa ama sifadiisa aan sheegeen,dadku majecleen ninka Sheekh ah ee shaqsi tilmaama.

Laakiin Maanta Masaajidaas Xamar kuma yaaliin,Sheekha ladhageesto waa kan sheikha kale caaya ama gaaleesiiya.

. 8-Culimadu iyagoo firqooyin kala duwan ah ayey hadana mararka qaar kukulmi jireen Arimaha qabaailka dhexdiisaha sida Qaaraanka,Guurka,Tacsida iyo wixii lamid ah, Maantase labada Sheekh ee wada dhalatay ayaa dadka iskugu neceb oo kuma kulmaan Guurka gabadha ladhalatay.

.9-Dhalinyaro Kala aragti  ah ayaa lagu arki jiray magaalada Muqdisho oo sheekeesanaya, sidoo kalana Doodaya, Balse maanta Nolasha ayey isku raadsanayaan, midwalbana kankale dhiigiisa ayuu baneesanayaa.

10-Waxaa adkeed in qof Muslim ah lagu timaamo Gaal, maantase waa ay kasahlantahay Biyo Galaas ku jira oo aad kabato 

 11-Wadaadka waa lagu farxi jiray muuqaalkiisa,marka nin Astaan Culimo kamuuqato uu Baska soo raaco, dadka kale waa ay ixtiraami jireen oo kursiga wanaagsan ayaa looga kici jiray.Maantase waa laga naxaa muuqaalkiisa,cabsi mooyee ixtiraam Dadka kuma dhex lahan,oo qof walba waxaa ku taagan goorma ayuu kudilyaa isagoo ku gaaleesiinya,ama kugu tilmaamaya Khawaarij.

12-Wax kale iska iska daayee Dhalinyarada qaabaa’ilka ama hogaamiye kooxeedka u shaqeneysay isma necbeen oo hadii caawa dagaalka ay ku jireen laga heshiiyo isla habeenkaas wax diidaya majirin in ay isla qayilaan ama meel iskugu yimaadaan,Maantase waxa cadaawada aan dhamaadka laheen u dhaxeyso waa dhalinyaradeenii.oo Aduunka iskugu neceb.

 13-Dadka cilmi doonka ah oo kaliya ayaa xamar Masaajida buuxineesay ,balese hada arintaa majirto oo wax aan laga sheekee Karin ayaa badalay.

Intaan oo kaliya maahan inta wadaadku uu haleeyay ee waa qeyb yar oo kamid ah dhibaatada wadaadu  isku geysteen iyaga iyo ardadii ay wax barayeen,maadaama intaa aan kasoo hadalanay ay katurjumeeso sharaftii sheekhu uu lahaa iyo heerka manta uu taaganyahay.

Waxaa dhab ah in dadbadani ay ku haminayeen 2006-7dii,in meel walba oo Soomaaliya ah Barqaaqo iyo nabad galyo kufilnaata ay helayaan,balse taasi madhicin,wixii lagu haminayay lamahelin,wadaadkiina Masaajidkii wuu katagay.Kitaabkii uu aqrinayay isagoo dhameen ayuu kadhuuntay,Ardaydiisina mid uu hubka u dhiibo iyo kuwa isaga ku soo jeesta yeey noqdeen.Dhibaatadii dadka heesatay mid kaweyn ayey u geesteen.

Hasa yeeshee dadbaa ku fakarayay in Culimadu isdaba qabandooto,waxii kahalaabayna  isku sheegi doonaan,Hogaamiye kooxeedyadiina kadareen iyo naxariis badanyihiin,balse taa sooma dhawaan walina kuma riyoon,intii ay dadka u hayeena waa ay dayaceyn.oo aheed in dadka Diinta islaamka ay baraan.

Intaas oo dhan kadib wali waxaa jira dad aan badneen oo fakir ahaan qaba in wadaadadu wali fursad ay heestaan,hadii ay isdaba qabtaan,ugu yaraan ay dib u eegaan,dadkii kitaabada ay u aqrinjireen, ee ay wacdi jireen,ee ixtiraamka u hayay,ee duleedka magaalda yaala,iskaba daa kuwa ku ildaran wadamada dariska ah iyo kuwa fog ,kuwaasi oo marka ay nin cimaamad wata arkaan kanaxaya.

 Cabdi Sataar Daahir Sabriye
Csatar22@hotmail.com

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com