Eastleigh Stars oo 8 wadan oo afrika ah u awood sheegatay.

Tartan cayaareed lagu maamuusayay maalinta Xoriyada Eratariya oo ay kaqeybgaleen jaaliyadaha 8 wadan oo afrika ah ayaa lagu soo gabagabeeyay maalintii Axada magaalada Neyrobi ee Dalka Kenya.

Tartan Cayaareedkan  oo iskugu jirayay  Kubada Cagta,Oradada iyo Xarig jiid, ayaa Jaaliyada Somalida ee Kenya waxa ay ku guuleesteen  Koobka  laba tartan oo kala ah, Kubada Cagta iyo Oradada,

Waxa ayna labadaa Koob  kala soo dhex baxeen  8  wadan oo Afrika ah kuwaasi oo kala ah,Erataiya oo laba koox ku cayaareesay,Keenya,Kamaruun,Ugandha,Tansaniya,Najeriya iyo Suudaan.

Dhinaca Kubada Cagta ayaa kooxda kucayaareesay magaca Soomaaliyeed ee  waxa ay ka guuleesatay koox ku cayaareesayay magaca Jaaliyada Eratariya oo ay kuwada kulmeen Cayaarii Fiinaalka,waxeyna ku awood sheegatay  4-0 oo ay uga adkaatay  Kooxda Jaaliyada Elataria.

Dhinaca Tartanka Oradka waxaa ku guuleestay wiil soomaaliyeed oo ku cayaarayay magaca ah  Lumbaag oo labo abaal marin ku kala qaatay tartanka orodka dheer ee 1500 (kun iyo shanta boqol ) mitir iyo 400 (afarta boqol) oo mitir si kala gooni ah.

Tarankan oo ahaa mid aad u xiisa badan ayaa waxaa soo qaba qaabiyay Jaaliyada Elatariya eek u nool Magaalada Neyrobi ee Dalka Kenya,

Yuusuf Nuur Maxamed (Owkobme)

yuonor@gmail.com

+254 723652989

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com