Maalinta xorriyada saxaafada iyo mugdiga tan Somalia farqi baa u dhaxeeya.

By: Tahliil Colaad Xassan.
Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 3-da bisha May waa
maalin dunida loo aqoonsaday xili la xuso sanad waliba xorriyada
saxaafada, waa maalin ay wariyayaasha iyo warbaahintu u dabaal dagaan
weyneynta xoriyatul qowlka, dowlado badan ayaa damaashaad iyo farxad
kusoo dhaweeyeen maalintan qiimaha badan.
Hase ahaatee dunida maanta meelaha qaar saxaafadu waxay ku
jirtaa ciqaab iyo cadaadis joogto ah, waxaa dhumay xoriyadii saxaafadu u
laheyd inay xaqiiqda ka hadasho iyadoo dowlado ama kooxo gaar oo wadamo
badan oo dunida ah ay ku qasbaan warbaahinta xorta ah inay u
hogaansamaan siyaasado ama ujeedooyin gooni ah oo
ay leeyihiin.
Inta aan u guda galin ujeedka mowduuceyga aan dulmaro wadamo
badan oo xoriyada saxaafada loogu badalay dil,
dhaawac, iyo xarig joogto ah,Wadanka Philippine waxa uu kaalinta hore
kaga jiraa liiska wadamada saxaafiyiinta lagu dilo oo xuriyadooda ay
luntay iyadoo sanadkii lasoo dhaafay kaliya tirada howlwadeenada
saxaafada ee naftooda ku waayay ay gaareyso 37.
Wadanka mexico oo isaguna ka mid ah wadamada ay saxaafadoodu
cadaadiska ku jirto uguna dhimashada badan saxaafiyiinta marka laga soo
tago somalia ayaa mudo toban sano ah waxaa lagu dilay tiro dhafeysa ilaa
62 wariye.
Waxaa jira wadamo badan oo saxaafada xoriyadooda hadalka ay
baabi’iyeen hogaanka wadamadaasi sida Wadamada Russia, Rwanda, North
Korea iyo wadanka Burma oo dhamaan ay ka taliyaan hogaan millitary.
Sanadkii hore sidoo kale waxa xabsiga la dhigay 136 saxafi daafaha dunida taa oo muujineysa xadgudub ka dhan ah
xoriyada saxaafada ah.
Aan usoo daadago ujeedka qoraalkeyga, somalia waxa ay ka mid
tahay wadamada dunida lagu tiriyo inay ugu
cadaadis badanyihiin saxaafada uguna qatar badanyihin saxafiyiintooda,
saxafiyiinta somalia waxay maalinti usoo toosaan inay war ka helaan
kooxo is heysta dhexdooda oo kuwaba kuwa kale ku eedeynaya inay la
shaqeynayan ama taageersanyihiin sidaasna ay naftooda kuwaayaan inta ay
ku jiraan howl maalmeedkooda.
Kaliya sanadkii 2009 waxaa somalia naftooda ku waayay ilaa 9
wariye oo ay ku jireen rag madax ka idaacadaha ku yaala caasimada
somalia ee muqdisha oo ay kamid ahayen Muqtaar Hirabe, Sacid Tahlil iyo
rag kale oo lamid ah kuwaas oo dilkoda ay cidkastaa meel isaga riixday.
Muqdisho waa caasimada somalia ee muqdisha waxaa kuyaal dhowr
idaacad oo si gaar ah loo leeyahay marka laga reebo idaacada ku hadasha
codka dowlada somalia oo siyaasadeeda baahisa, dhamaana kuwa kale xaq
uma lahan inay dhabta ka hadlaan oo hadii dhankan ay dhabta ka sheegaan
waxaa dhacda in la xiro ama rag kamid ah lagu qaarijiyo war ay sheegeen
ama idaacadaba la xiro halka dhanka kalena ay sidaas ku fakerayaan hadii
lasheego xog ayaga kusaabsan oo xaqiiqda taabanaya.
Bishii lasoo dhaafay magaalada muqdisha waxaa idaacadaha ku
yaal laga mamnuucay inay heeso siidaayaan musiga astaanta u ah
barnaamijyadana ay baahiyaan taa oo ugu danbeyn ay u hogansameen amarkaa
oo ay xisbul islam soo rogtay, kadib waxaa amar ka gadisan kaa kasoo
baxay dowlada somalia oo markale amartay in dib heesihii loosiidayo,
waxaa la xiray labo idaacadood oo ku yaal goobaha ay dowlada ka
taliso oo lagu eedeeyay inay u hogaansami weyday amarkii dowlada halka
ay amar ka qaadanayaan kooxo aan halkaa joogin taa oo aad ka dheehan
karto xanuunka ay leedahay arintan, waxay la mid tahay labo nin oo qoryo
wadataa oo midna uu ku leeyahay fadhiiso midka kalena uu kugu amrayo
inaad istaagto tolow maxaad sameyn laheyd? waa midba mar tiisa u yeel.
Iyadoo ay dunida inta badan saxafiyiinta iyo saxaafadu u dabaal
dagayaan maalintan la xuso xuriyada saxaafada ma jirto meelo laga
xusay oo dalka somalia ah ama sxitaa wax isku
soo hadal qaaday madaama aanayba ka jirin xuriyatul qowl wax la
yiraahdo.
Waxaan rajeynaynaa in saxaafada dalka ay sidan iska badali
doonto dibna ay u helo doonto xuriyadoodi ay xaqa u lahaayeen inay
helaan kooxaha hardamayana waxaan ka codsaneynaa inay dhibaatada ka
daayaan suxufiyiinta iyo saxaafada.
www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com |