Maalinta xorriyada saxaafada iyo mugdiga tan Somalia farqi baa u dhaxeeya.

By:Tahliil Colaad Xassan.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 3-da bisha May waa maalin dunida loo aqoonsaday xili la xuso sanad waliba xorriyada saxaafada, waa maalin ay wariyayaasha iyo warbaahintu u dabaal dagaan weyneynta xoriyatul qowlka, dowlado badan ayaa damaashaad iyo farxad kusoo dhaweeyeen maalintan qiimaha badan.

Hase ahaatee dunida maanta meelaha qaar saxaafadu waxay ku jirtaa ciqaab iyo cadaadis joogto ah, waxaa dhumay xoriyadii saxaafadu u laheyd inay xaqiiqda ka hadasho iyadoo dowlado ama kooxo gaar oo wadamo badan oo dunida ah ay ku qasbaan warbaahinta xorta ah inay u hogaansamaan siyaasado ama ujeedooyin  gooni ah oo ay leeyihiin.

Inta aan u guda galin ujeedka mowduuceyga aan dulmaro wadamo badan oo xoriyada saxaafada loogu badalay  dil, dhaawac, iyo xarig joogto ah,Wadanka Philippine waxa uu kaalinta hore kaga jiraa liiska wadamada saxaafiyiinta lagu dilo oo xuriyadooda ay luntay iyadoo sanadkii lasoo dhaafay kaliya tirada howlwadeenada saxaafada ee naftooda ku waayay ay gaareyso 37.

Wadanka mexico oo isaguna ka mid ah wadamada ay saxaafadoodu cadaadiska ku jirto uguna dhimashada badan saxaafiyiinta marka laga soo tago somalia ayaa mudo toban sano ah waxaa lagu dilay tiro dhafeysa ilaa 62 wariye.

Waxaa jira wadamo badan oo saxaafada xoriyadooda hadalka ay baabi’iyeen hogaanka wadamadaasi sida Wadamada Russia, Rwanda, North Korea iyo wadanka Burma oo dhamaan ay ka taliyaan hogaan millitary.

Sanadkii hore sidoo kale waxa xabsiga la dhigay 136 saxafi  daafaha dunida taa oo muujineysa xadgudub ka dhan ah xoriyada saxaafada ah.

Aan usoo daadago ujeedka qoraalkeyga, somalia waxa ay ka mid tahay wadamada dunida lagu tiriyo inay  ugu cadaadis badanyihiin saxaafada uguna qatar badanyihin saxafiyiintooda, saxafiyiinta somalia waxay maalinti usoo toosaan inay war ka helaan kooxo is heysta dhexdooda oo kuwaba kuwa kale ku eedeynaya inay la shaqeynayan ama taageersanyihiin sidaasna ay naftooda kuwaayaan inta ay ku jiraan howl maalmeedkooda.

Kaliya sanadkii 2009 waxaa somalia naftooda ku waayay ilaa 9 wariye oo ay ku jireen rag madax ka idaacadaha ku yaala caasimada somalia ee muqdisha oo ay kamid ahayen Muqtaar Hirabe, Sacid Tahlil iyo rag kale oo lamid ah kuwaas oo dilkoda ay cidkastaa meel isaga riixday.

Muqdisho waa caasimada somalia ee muqdisha waxaa kuyaal dhowr idaacad oo si gaar ah loo leeyahay marka laga reebo idaacada ku hadasha codka dowlada somalia oo siyaasadeeda baahisa, dhamaana kuwa kale xaq uma lahan inay dhabta ka hadlaan oo hadii dhankan ay dhabta ka sheegaan waxaa dhacda in la xiro ama rag kamid ah lagu qaarijiyo war ay sheegeen ama idaacadaba la xiro halka dhanka kalena ay sidaas ku fakerayaan hadii lasheego xog ayaga kusaabsan oo xaqiiqda taabanaya.

Bishii lasoo dhaafay magaalada muqdisha waxaa idaacadaha ku yaal laga mamnuucay inay heeso siidaayaan musiga astaanta u ah barnaamijyadana ay baahiyaan taa oo ugu danbeyn ay u hogansameen amarkaa oo ay xisbul islam soo rogtay, kadib  waxaa amar ka gadisan kaa kasoo baxay dowlada somalia oo markale amartay in dib heesihii loosiidayo, waxaa la xiray labo idaacadood oo ku yaal goobaha ay dowlada ka taliso oo  lagu eedeeyay inay u hogaansami weyday amarkii dowlada halka ay amar ka qaadanayaan kooxo aan halkaa joogin taa oo aad ka dheehan karto xanuunka ay leedahay arintan, waxay la mid tahay labo nin oo qoryo wadataa oo midna uu ku leeyahay fadhiiso midka kalena uu kugu amrayo inaad istaagto tolow maxaad sameyn laheyd? waa midba mar tiisa u yeel.

Iyadoo ay dunida inta badan saxafiyiinta iyo saxaafadu u dabaal dagayaan maalintan  la xuso xuriyada saxaafada ma jirto meelo laga xusay oo dalka somalia ah ama sxitaa wax isku  soo hadal qaaday madaama aanayba ka jirin xuriyatul qowl wax la yiraahdo.

Waxaan rajeynaynaa in saxaafada dalka ay sidan iska badali doonto dibna ay u helo doonto xuriyadoodi ay xaqa u lahaayeen inay helaan kooxaha hardamayana waxaan ka codsaneynaa inay dhibaatada ka daayaan suxufiyiinta iyo saxaafada

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com