Maxaad kataqaan Qaab Dhismeedka Dawlada Maraykanka.


 

Saddexda laamood ee ay ka kooban tahay dawlada maraykanku, dejiyana dastuurka dalkaasi

Dejinta iyo illaalinta Dastuurka Waddanka maryakanka waxaa ku shaqo leh saddexda laamood ee kala ah:-

1:- Hay’ada sharci dejinta (Legislative), oo ay uguy horreyso golaha ummadda, oo u sii kala baxda: - aqalka wakiilada iyo aqalka odayaasha.

2:- Hay’ada Fullinta, oo uu ugu sareeyo madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo xoghayayaashiisa.

3:- Caddaalada (Judicial), oo ah Maxkamada sare iyo maxkamada federaalka.

1. Hay’ada Sharci Dejinta.

Hay’ada sharci dejintu waxay u xil saaran tahay dejinta dastuurka iyo illaalinta sharciga, waxayna ka kooban yihiin:-

Aqalka Odayaasha.

Golaha odayaashu waxay ka kooban yihiin 100 xubnood, oo gobol kastana ay ka imaanayaan labo mudane, waxaa la dooranayaa lixdii sannaba mar.

mudaha la doorto waa inuu joogga Gobolka laga soo doorto, Da’diisu waa inaysan ka yaraan 30 sanno jir, yahayna muwaadin maraykan ah, ama uu muwaadin qaatay dhalashada maryakanka, oo uu muddo aan ka yarayn 9 sanno uu joogay dalka.

Aqalka Wakiilada.

Aqalka wakiiladu wuxuu ka kooban yahay 435 xubnood.
Gobolka ay ku nool yihiin shacab fara badan wuxuu lahaanayaan wakiilo badan, laakiin Gobolka ay dadkiisu yar yihiin wuxuu lahaanayaa wakiilo tiro ahaan ka yar kuwo ay leeyihiin gobolada waaweyn. Gobol kastana marka ay ugu yaraato wuxuu lahaanayaan hal wakiil.

Xubnaha aqalka Wakiilada waxaa la soo dooranayaa labadii sannaba mar, waxayna wakiiladu ku nagaanayaan gobolka laga soo doortay.
wakiilka la soo dooranaayo waa inuusan da’ahaan ka yaraan 25 sanno jir. Waan inuu muwaadin yahay muddo dhan 7 sannadood.

2. Hay’ada Fullinta.

Waaxda Fullinta ee dawlada waa inay marka hore xaqiijisaa inay u hoggaansan tahay sharciga, oo uu ka sareeyo. Madaxweynaha dalka maraykanka ayaa ah madaxa laanta hawl Fullinta dawlada. Waaxdaani aad ayay u ballaaran tahay, sidaasi daraadeed wuxuu madaxweynuhu caawin hawl kaabin ka helayaa madaxweyne ku xigeenka, madaxda waaxyaha, sida xoghayayaasha iyo madaxda hay’adaha kale. Maadaama uu yahay madaxa dawlada isaga ayaa magacaabaya xubnaha hawl fulliyayaashiisa, isagoo u magacaabaya dad aqoon u leh hay’adaha loo magacaabayo.

3. Hay’ada Caddaalada.

Laanta caddaalada Ee dawlada waxaa lagu dhisaa hab maxkamadeed. Maxkamada sare waa maxkamada ugu sareysa Dalkaan maxkamaduhu waxay ka doodaan qaanuunka iyo siday uga jawaabi lahaayeen markii ay timaado in lagu xad gudbo dastuurka dalka u yaala..

Maxkamada sare

, Maxkamada sare, waa awooda ugu sareysa caddaalada Waddanka maraykanka. Waxay leedahay 9 garsoorayaal, kan ugu sareeya ayaa noqonaya madaxa caddaalada, dhammaaantoodna waxaa magacaabaya madaxweynaha, iyadoo ay ogolaanayaan aqalka odayaashu. Maxkamada sare waxay dhagaysataa kiisaska ay sida tooska ah loogu soo diro ee ku salaysan hab dacwadeedka maxkamadeed sannad kasta. Waxayna aqbashaa oo kaliya kiisaska macquulka ah, oo ay go’aan ka gaarayso kama dambaysta.

W/Qorey: - C/naasir Maxamuud Cumar (Zero).

L/H. Seattle Washington-USA.

abdinasserzero@hotmail.com

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com