Warbixin dheer oo laga qoray Cida Maal galisa Burcad Badeeda

Warbixin dheer oo laga qoray Cida Maal galisa Burcad Badeeda



Somalia ayaa waxey leedahay xeeb dhararkeedu dhanyahay illa

3025 km Somalia oo dhacda geeska Africa ayaa tariikhdeeda danbe waxaa si ba’an u madax maray qulqulado iyo xasilooni daro illaa iyo intii ay dhacday dawladi marxuum max’ed siyaad bare sanadku marku ahaa 1991 tan iyo markaana waxaa jiray illa dhowr isku daya ah si loo sameeyo dowlad dhexe oo wada jir ah isku dayadaas ayaa soo socday illa inti laga soo gaaray 2003 xiligaa oo lagu qabtay shir magalada Nairobi halkaas oo ay kasoo baxday dowlada federaalka dimoqoraadiga Somalia si kastaba haa ahaate si lamid kuwi iyada kahoreyay dowlada ayaa waxey noqotay mid howlaheeda ku guul dareysata amaba hadii aan u dhahno si kale dowlad arinta taagan (de facto)

Nolosha dadkeedana waxey noqotay mid ay hareysay faqri iyo shaqo la’aan baahsan tusaala ahaan bangiga aduunka ayaa ku qiyaasay in 40% dadka Somalia ay ku noolyihin xaalad faqri oo daran (1 dollar maalin walba) kudhawaad sedex meelood laba meelna dhalinyarada Somalia waa shaqo la’aan hadaba shaqo la’aan iyo iska soo horjeedka qabaa’ilka somaliyeed lagu daray faafida hubka ayaa waxey u fudedeysay dhalinyarad Somalia in ay galaan falal danbi ku ah adanaha dhulka Somalia taaso markii danbana loo sii qaaday badda halkaas oo sanadadi danbe ay kasocdeen falal loogu magac daray burcad badeednimo

Maleeshiyaadka qabaa’ilka ayaa kadhigay marida xeebta Somalia mid aad ugu adag maritaanka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dalxiiska maleeshiyoyinkaas ayaa waxey sheektaan in ay yihiin kuwo kadafacaya biyaha Somalia wasaqeynta iyo ka kaluumeysiga sharci darada ah waxeyna la baxeen magacyo aan hadda kaxusin karo ilaliyayaasha xeebta bartamaha Somalia iyo wadaniyiinta difaaca xeebaha isla markiina waxey bilaabeen howlo marki isku baday in laqabsado marakiibta nooca ay donaan ha ahaadaane hadaba burcad badeeda Somalia ayaa waxaa ku jura dhamman qabiilada somaliyeed ee waaweyn kuwa daga xeebaha sida eeyl garacad hobyo xaradheere

War bixin uu sameyayna machadka nabada ee amerikana waxaaa lagu sheegay in qaar katirsan madaxda puntlandna ay ku lug leyihiin burcad badeeda iyado wax xooga lacagna ay kasoo gasho howlaha burcad badeednimada

Burcad badeeda Somalia ayaa waxey soo shaac baxday sanadki 2008 markaas oo howlahooda afduubka maraakiibta ay si sa’idiyeen guduhi sanadkii 2008 waxaa dhacay illa 111 weerar oo ka dhan ah marakiibti mareysay xeebaha somalia 47 weeraradaas kamid aha waxaa lagu afduubtay marakiib mid kamid ahna waxaa lagu qabsaday markabkii hubka ee mv faina kaas oo markii danbana lagu soo daayay madax furasho

Dhan 3.2 milyan oo dollar.

Inkasto ay xeebaha Somalia ay kusuganyihiin in kabadan 30 markab oo kuwa dagaalka ah oo kakala socda dowlad badan oo aduunka oo dhan ah hadana taasi ma aysan yareyn afduubka loogu geeysto marakibta biyaha Somalia tusaalo ahaan afduubka marakiibta looga geystay mudadi u dhaxeysay janaayo illa may akhirkeedi 2009 ayaa wuxuu kabadna afduubyadi dhacay guud ahaan 2008 oo dhan sidoo kale weraradi dhacay 4ti billod ee ugu horeysay 2009 wey kabadnayeen 10 jibaar kuwi dhacay xiligaas oo kale 2008 burcad badeeda Somalia ayaa waxey sameyn ku leedahay markiibta ganacsiga ee u qadaya alaabaha meelo badan ee calamka ah taasina waxey sameyn kuyeelatay ganacsiga marakiibta calamka waxeyna galisay qassaro lagu qiyaasay 500 milyan 2008 oo qura

HADABA WAA KUMA BURCAD BADEED

Waxaa lasheega burcad badeed Somalia in ay yihiin dhalinyaro u dhaxeysa 20 illa 30 sano oo badana aqoon ahaana ah kuwo hoseeya ana shaqeyn badana ah kuwo kuhubeysan hub fudud sida ak47 iyo garneelada nooca rbg badanana waxaa loo qeybiya sedex qeybood oo kala ah

Burcad badeed kutiirsan qabiil

Burcad badeed dhalinyaro ah oo badana raba in uu gaaro ujeedooyin ay kamid yihiin sida in uu guursado ama uu helo lacag uu kudhoofo

Iyo malay dabato badana loo isticmaalo qibradooda bad mareenimo

Burcad badeeda ayaa badana u shaqeeyo sida in ay yihiin unugyo unug walba waxaa lagu qiyaasa in uu yahay 4 illa 6 qofood oo nidaamsan unug walbana waxaa lasiiya doon iyo hub ku filan in ay qabtaan hoshooda burcad badeeda ayaa waxaa maal galiya maal galiyayaal somaali ah oo degan meelaha kafog xeebaha halkaas oo uu kadhaco afduubka malgaliyaasha si toos ah ugama qeybqataan afduubka marakiibta ee waxey siyaan lacag iyagoo taas badelkeedana kafilaya burcad badeeda in ay kahelaan qeyb marki ay qataan lacagta madax furashada

Hadaba webpage-ka global security network ayaa wuxuu liis gareeynaya illa 4 koox oo burcad badeed ah oo saldhigyo kuleh 4 magaalo oo katirsan Somalia iyo reerka uu ku aftirsado mid walba ee katirsan afartaas koxood ee waawyn

Tusalaha kowaad ayaa ah

Eeyl waxaa ka ugaarsada beesha ciise max’ud ee katirsan majeerteen darood

Garacad waxaa ka ugaarsada beesha cumar max’ud majeerteen darood

Hobyo waxaa ka ugaarsado beelaha sacad ceyr iyo saleeban hawiye

Xaradheere waxaa ka ugaarsado beelaha ceyr saleeban iyo saruur hawiye

Burcad badeeda ayaa waxey isticmalan dooman dheereeya oo xawaarahoodu uu dhanyahay illa 30knots badanana waxey tilmaamsadan doomanka iyo marakiibta aan dhareyn ee kusocda 15knots isla markaana dhinacooda ama janbiga darbiyadooda uu u dhawyahay biyaha taasina waxey kasaacidee in isla markiiba ay u fulaan si deg deg ah

FAHANKOODA GANACSIGA CALAMKA

Waxaa la aminsayahay in burcad badeeda ay leeyihiin illa 7 hab oo ay kusameyaan howlahooda :-

Diyaar garow

Xog aruurin

Weerar agaasiman

Korid ama qabsasho la koro markiibta isla markaana lala wareego

In lakeeno doomaha laqabsado meel u dhow beriga iyo wada hadal lalasameeyo milkiilayaasha markabka ama doonta

Bixinta madax furashada

Kadibna lasiidaayo markabka

Hadaba 7 daan dariiq ayay u maraan burcad badeeda in ay sameeyaan howlahooda burcadbadeednimo

Inkasto burcad badeeda mararka qarkood ay ugaarsadaan xog la’aan ayaa hadana waxaa la aminsanyahay werarada qaarkood in ay burcad badeeda helaan maclumaad kusaabsan halka markabku kasocdo iyo meesha uu kusocda maclumaadkaas ayaa haddana waxaa la’aminsanyahay in ay kahelaan dekada markabka laga soo rarayo iyo xubno katirsan dowlada kadibna wey sugaan waxeyna qabsadaan oo ey lawareegan maraakiibta

Kuwa noocan burcad badeeda ayaa ah kuwa ugu qatarsan

QEYBSIGA MADAXFURASHADA

Tusaale ahaan aan soo qaadano 1 maalgaliye maalgaliyay 4 doon iyo 12 burcad badeed

Faa’iido

Maalgalinta

Xarko iyo mashiinka lagu fulo markabka 14,000 dollar

Hub iyo rasaas 2,000 dollar

Jaran jaroyin 1,200 dollar

Qalabka isgaarsiinta badda 4,000 dollar

Baxinta madax furashada 600,000 dollar

Total faa’iido guud 621,200 dollar

Qarashaad

Qarashaadka howlaha

Raashin 72,000 dollar

Dayactirka qalabka 31,200 dollar

Xanaanada dadka saran marakiibta 15,750 dollar

Laluushka lasiiyo madaxda goobha 180,000 dollar

Total qarashaadka 299,750 dollar

Faa’iido

Guud ahaan faa’idada 321,450 dollar

Total faa’iido laga jaran maalgalinta 300,250 dollar

Sheerka malgaliyaha 120,250 dollar

Sheerka burcada(12) 180,000 dollar

Mid kasta burcad badeed 15,000 dollar

QASAARAHA BURCAD BADEEDKA DHAQAALAHA CALAMKA

Burcad badeeda ayaa waxey kukeentay dhaqaalaha calamka khasaaro aad u weyn sida laga soo xigtay hay’ada u qaabilsan markiibta calamka ayaa waxey sheegtay in caymiska maraakibta u saa’iday illa 20,000 dollar halki rarba

Sidoo kale haddii laga fogaado marida biyaha khaliijka cadmeed oo ay adaan maraakiibtu marinka cape of good hope ee south Africa ayaa safarka maraakiibta ku sa’idina illa 3500 miles xiligan oo qimaha shidaalkana cirka isku shareeray taasina waxey u muqata mid ayadana aan suurto gal aheyn

Sidoo kale haddii maraakiibta lagu rakibo qalab u suurta galinaayo in ay maraan meelaha aadka mookla u ahna wuxuu ugu kacaya maraakiibta 20,000 illa 30,000 dollar

Haddii laqorana shaqaala amaan oo saran maraakiibta dushoodana waa mid iyana qaali ku ah maraakiibta haddii ladhaho hala qoro doon yar oo markabka raacdana waxaa ugu baxaya markabka 1.3 milyan bil walba

Haddii lasoo kireeyo marakiib dagaal oo waardiyeeya marinka cadana waxaa ku baxeysa kudawaad 200 illa 350 milyan oo dollar sanad walba haddi ay taa dhacdana qiimaha wax walba ee calamka ayaa waxey noqonayaan qaali

Wadamada degaanka iyo kuwa Somalia ladariska ahna taas waxey kukeneysa sicir barar xad dhaaf ah xiligan oo dhaqaalaha aduunkana ku jiro hoos u dhac waxey kuyelaneysa sameyn waarta

Tusaale ahaan kanaalka suweys ee masar waxaa larajeynaya in uu kuyimaada hoos u dhac xaga mariinka marakiibta iyo mid lacagihii kasoo gali jiray dowlada masar kanaalka suweys tusaale ahaan waxaa lasadalinaya in ay hoos u dhacdo lacagti kasoo gali jirtay masar 5.1 bilyan oo dollar 2008 illa 3.6 bilyan oo dollar hoos u dhac 30% lacagta kasoo xarooto kanaal suweyska masarna waa lacagta sedexaad ee ugu adag marka laga reebo dalxiiska iyo lacagaha ay u diran muwaadiniinta masar ee dibada asxaabtooda gudaha masar

Isku soo wada duube Qasaaraha tooska ah iyo midka aan tooska aheyn ee ay u geeysteen burcad badeedka dhaqaalaha aduunka ayaa waxaa lagu qiyaasa 1 bilyan illa 16 bilyan oo dollar




Warbixintaan oo dheer lasoco qaybteeda labaad

QORE :-ABDISALAN HASSAN DAUD

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com