Maxaad kataqaan Golaha Wasiirada ee dowlada KMG Soomaaliya

Dhamaan Aqrista yaasheena sharafta leh waxaan u soo gudbinaynaa Barnaamij aan ugu tala galnay in ay wax badan kaga ogaadaan Taariikhda Wasiirada dowlada KMG Soomaaliya.
Tariikhda Wasiirada ayaa waxaan idin kugu soo gudbin doonaa mid mid ayadoona mid kasta aan idin soo gudbin doono Taariikh nololeedkiisa oo dhamaystiran.
Hadaba Todobaadkan ayaa waxaa idin soo gudbinaynaa oo idin soo ban dhibaynaa,
Taariikh Nolodeedka Wasiirka Araimaha Bini,aadannimada iyo Dib U Dejinta Dr. Maxamud Cabdi Ibraahim (Garweyne).
1965 Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho
1971-1979 waxaa uu ku dhameeyay Quraanka Kariimka ah iyo dugsiga hoose dhexe ee (1 LUULYO) magaalada Muqdisho.
1979-1981 waxaa uu dhiganayay dugsiga Tababarka Macalimiinta ee Xalane. (Halane Teacher Institude).
1981-1982 waxaa uu Macalim kanoqday dugsiga hoose dhexe degmada Luuq.
1982-1984 Macalin dugsiga hoose dhexe Xasan Qariidi ee magaalda Mogadishu.
1985-1986 Macalin Dugsiga Sare Muuse Galaal.
1987-1990 waxaa uu ku laabtay waxbarashadiisa kuliyada waxbarshada lafoole (Lafole College of Education) ayuu kabaxay.
Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya kadib waxa uu kashaqeeynayay howlaha waxbashada iyo samafalka.
1991-2002 waxa layiraah (WALFARE PROJECT SOCIETY) oo ah jamciyada qayriga ah fulisa mashaariicda qayriga ah waana sidan waxa uu kasoo ahaa,
1991-1992 wuxuu xubin ka ahaa Jamciyada Khayriga ah ee (WALFARE PROJECT SOCIETY),
1993-1996 waxaa uu noqday madaxa qaybta waxbarashada Jamciyada,
1997-1998 waxaa uu ka noqda madaxa qaybta waxbarashada iyo daryeelka Agoonta,
1999-2002 (Puplic relation) ayuu ugu shaqeeyay Jamciyada oo ah cilaaqaadka Jamciyada.
2002-2003 waxa uu Master degree ku diyaariyay Jaamacada Ifriiqiya ee dalka Suudaan (MAAMULKA WAXBARASHADA).
2004-2006 isla dalka suudaan jaamacadda Al Niilayn ayuu kudiyaariyay (PHD) (Educanal Supervision) oo ah kormeerka waxbarashada.
2006 Waxaa uu bare ka noqday Jaamac Al islaamiya – Mogadishu uu ka dhigaayay Culuumta maamulka waxbarashada iyo qorshaynta
(الإدارة التربوية والتخطيط)
Dr. Maxamuud Garweyne waxaa uu weligiis ka tirsanaan jiray kadib dowladii dhexe Dalada Culimada Soomaliyeed kadibna waxaa uu 2006-da markii uu soo qaatay (PHD) ku biiray kacdoonkii Shacabka ee ka bilowday magaalada Muqdisho waxaa uuna ku jiray ( Golahii Maxaakiimta Islaamiga) ee ka koobnaa 91 xubnood waxa uuna ahaay kuxigeenka xoghayaha waxbarashada ee Maxkamadaha. Waxa uuna ka mid ahaa guddigii wadahadaldii Khartoum dhanka Maxaakiimta.
2007 waxaa uu kamid noqday dadkii magaalada Asmara ee wadanka Eritrea kusoo dhisay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.
Waxaa uuna kujiray labada gole midkii fulinta iyo kii golaha dhexe, waxa uuna qabtay xilka ah xoghayaha Samafalka, ilaa Jabuuti looga soo wareego.
2008 waxaa uu noqday Xildhibaan kadibna waxaa uu kamid noqday Wasiirada uu magacaabay Ra’isal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.
Sidoo kale waxaa uu kamid ahaa dadkii Aabaha u ahaa wadahadaladii dib u heshiisiinta ahaa ee kadhacay dalka Jabuuti, waxaa uuna noqday Xildhibaan kasoo galay dhinaga Isbaheysiga kadibna waxaa loo magacaabay Wasiirka (DIBUDAJINTA IYO GARGAARKA AADAMIGA).
Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) waxaa intaasi u sii dheer ka qayb gal Wokshops fara badan oo uu kaqabtay gudaha dalka iyo dibadaba, sidoo kale howlo fara badan oo ay ugu muhimsan yihiin Musaalaxada, Tababarida Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada nidaamiga ah iyo kuwa Qur’aanka, iyo howl Samafal oo kala gadisan.
Wixii talo iyo tusaale ah fadlan noogu soo hagaaji
Email umadanews@hotmail.com
www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com |