halsano kadib iyo hogaanka sh/shariif

Waxaa maalintii jimcada ahayd laga xusay magaalada muqdisho khaasatan aqalka madax tooyada hal sano guuradii kasoo wareegtay doorashadii madax weyne shariif sh/axmed.

 

Hadaba dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sida ay u arkaan Hogaanka Shariif iyo sanadkii tagay  qaar badan oo kamid ah  dadka ku dhaqan  Magaalada Nairobi ayaa aragti dooda dhiibtay ayakoona sheegay   in  wax badan dawlada sh/sharafiif ka qabatay dhinacyo badan oo muhiim ah.

Halka kuwo kalana ay dhaliilo badan usoo jeedinayaan maamulka iyo hagaanka sh/shariif .

 

Dadka taageersan afkaarta dawlada sh/shariif ayaa waxay ku faanaan inay dawladani ay keentay isbadalo badan markii loo fiirsho tii ka horeesay ee col.c/laahi yuusuf hogaaminayay.

 

Dib udhiska ciidamada qaranka, furitaanka idaacad ku hadasha afka dawlada iyo bar internet ah, dib ula heshiin qaar kamid ah kooxihii nucaaradka ku ahaa oo hada qaar goot ay ka tirsan yihiin golaha wusurada dawlada kmg  ayay sheegaan inay qabatay dawlada sh/ahariif sh/axmed uu hogaamiyo

Wallow ay ku andacoonayaan inaysan wali helin fursad ay waxku qabtaan ama waqti ku filan

 

halka kuwo badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Nairobi ay si weyn u dhaliilsan yihiin wax qabadka dowlada Sh, Shariif ayakoona sheegay in  wax badan oo looga fadhiyay ayasan waxba ka qaban.

 

Waa mide inay lumisay gobolo badan oo ay dawladii hore gacanta ku haysay hadana ay maamulaan xoogaga kasoo horjeeda

 

Sidoo kale waxaa lagu dhaliilaa maamul xumo ka taagan ilaha dhaqaalaha sida dhaqaalaha kasoo xaroodo dakada iyo garoonka muqdisho iyadoo dadbadan wax iska waydiiyaan sida loo maamula lacagta gasoo xaroota labadooda

 

Sidoo kale wax yaabaha lagu dhaliilo maamulka dowalada uu hogaansho sh/shariif waxaa kamid ah inaysan wax xil ah iska saarin ilaalinta iyo sugidda amaanka madax ugu sareeso dawlada iyadoo dadbadan wali qalbigooda ka go’i la’dahay falkii naxdinta lahaa ee 3dec lagula beegsaday qaar kamid ah golaha wasiirada iyo dhaqaatiir waalidiin iyo arday qalin jabinaysay hoteelka shaamoow ee magaalada muqdisho taasoo ahayt inay xil iska saarto amaan gooda hayadaha amaanka ee dawlada lee dahay

 

Waxeyna in badan oo shacabka katirsan sheegaan inay falkaas dhicidiisa ka muuqatay dayacaat amaan oo aad ubaah san wallow qadar allaah la celin garin

 

Sidoo kale waxaa lagu ee deeyaa golaha wasiirada ee dawlada KMG wax qabad la’aan iyagoo badankoot lagu soo xulay siyaasad laakiin loo fiirin aqoon iyo karti

 

Amaan iyo dhaliilo loo soojeediyay mudadii halka sano ahayt oo uu xilka haayay  kadib hada waxaa dalka wali hogaaminaaya madaxweyne sh/shariif oo wali u harsantahay waqti wax uu ku qaban karo   waa hadduu ka faaidaystee

 

Mohamed hasan Mohamed (kaatibi)

Diiwaan2008@hotmail.com

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com