maxaad ka ogtahay sirta nolosha wariyayaasha nairobi.

Islii waa xaafad ka mid ah magaalada Nairobi caasimada wadanka Kenya , waana koob ay ku soo barakaceen qaybo badan oo ka mid ah bulshadii Somalida ,
Islii waxa ku sugan oo iminka jooga qaar ka mid ah Wariyayaashii ka soo baxsaday colaadaha wadanka ka jira , Wariyaayaasha waxay ku noolyihiin qaarkood nolol aad u adag qaarna waa ay iska xamaashaan,
Wariyayaashu waxay xili aad ugu badnaayeen xaafada islii inkastoo ay iminka kala yaraateen waxaa jira Wariyayaal dalkii dib ugu laabtay iyo kuwa kale oo iyana magan galyo daganaansho ah ka helay wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Yurub.
Saxafiyiintu waxay imaanshahoodi magaalada Nairobi gaar ahaan Islii kala soo kulmeen xaalado adag . qaar kood waxay soo mareen dhulka waxayna dhuumasho ka dib gudaha usoo galeen Nairobi qaar kalena siyaabo kale ayay ku soo gaaren,
Noloshooda iminka ee nairobi gaar ahaan xaafada Islii oo ay ku noolyihiin maahan mid fudud waa xaalad aad u adag , waxad mararka qaar argaysaa koox wariyayaal ah oo isla socda oo midba midka kale ku leeyahay maanta ilaa iyo haatan waxba ma cunin, mana jiraan shaqooyin kuwada filan dhaman Saxafiyiinta oo halkaan yaala .
Waxaa jira kulamo ay badanaa isu argaan waxayna isaga war hayaan si ka duwan dadka kale ee ku dhaqan xaafadaan Islii ama guud ahaan wadankaan ,
wariyayaashu waxay badanaa kawada sheekaystaan iyana. maxaa maanta cusub ? koodhmaa laabanaynaa ? ani waan socdaa ee ma iraacee ? iyo kuwa kale .
waxayna kuwada casiriyeeyaan goob maqaaxi ah oo ku taal islii oo ay isugu yimaadaan qaarkood shaahana waxaa bixiya hadba ninkii farta lagu fiiqo,
waxaana jira halku dhigyo ay wariyayaasha baxsadeen waxaana ka mid ah . (british day , saalax day. bile day, idaajaa day, axmed day. taajirow day, cd day ) kuwaas oo ka tarjumaya qofba maalinta uu shaaha bixinaayo,
Saxafiyiinta somaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi gaar ahaan Islii waxaa jira qaabab ay ku sheekaystaan waxaa jira balamo ay yeeshaan waxayna kawada sheekaystaan badanaa xaalada wadanka Somaliya , waxaana sidoo kale jira wariyayaal kale oo iyagu dagan wadamada yurub qaarkood kuwaas oo dhawaanahaan ka amba baxay wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi xaafada Islii magan galyana ka helay wadamadaasi waxayna sheegeen inay jecelyihiin inay iska warhaayaan saaxiibadoodii Saaxafada meel kasta oo ay joogaan ,
Sidoo kale waxaa jira marti qaad ay daaha ka furtay gabar wariye ah laguna magacaabo jamiila ahmed kuna sugan cariga itali taas oo qada sharaf u samaysay kudhawaad 50 wariye gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Nairobi xaafada Islii oo ay sheegtay inay xuuraansaday xaaladooda jeclaatayna inay tusaale u noqodo asxaab kale oo iyana laga yaabo inay ku dhiirataan arintani oo kale. waxayna noqotay arin ay aad ugu farxeen wariyayaasha dhamaan hambalyo iyo bogaadina ugu direen jamiila waxayna sheegeen inay ahayd arin aanay marnaba ilaawi karin ,
Waxaa jira buufis isna wariyayaasha dhinac ka haya inkastoo uusan badnayn waxaa baxay dhawr iyaga ka mid ah kuwaas oo iminka magan galyo daganaahso ah ka helay wadamada Maraykanka iyo Yurub ,
dhamaandoodna waxay maanka ku hayaan sidii mar uun ay ugu laaban lahaayeen wadakoodii hooye e somaliya dibna uga shaqa bilaabaan,
wariyaasha iminka ku sugan Nairobi waxay leeyihiin Gudi ku yimid qaab doorasho ah ,waxaa doorday wariyayaal badan waxaana madax u ah Wariye ,maxamed Abdulahi Aden CD iyadoo ay jiraan xubno gudiga qayb ka ah , waxaana ujeedka ugu wayn ee aas aaska Gudiga uu yahay iska war qabka wariyayaasha iyo dhiiri galinta kuwa wadanka ku sugan.
wariyayashu waxay waraaqda daganaanshaha qaxootiga wadanka Kenya ka heleen hay ada UNHCR Nairobi taas oo badankood ay wada haystaan.
inkastoo ay jiraan hadana dhibaatooyin badan o ay daremayaan wariyayaasha ,
Waxay aalaaba isi soo xasuusiyaan qaabkii shaqadooda iyo meelihii ay qaarkkod isu argi jireen ninba waxbuu sheegaa qofwalbana soo bandhig waxyaabihii ugu xasuusta badnaa, qaar kalena waxay qiirad ahaan is xasuusiyaan dhacdooyinkii layaabka badnaa ee ay waqtiga iyo waayahaba soo badeen wariyayaasha.
waxaa jira qaar ka mid ah wariyayaasha oo dhibaatooyin ka soo gaareen dagaalada muqdisho jir ahaan ama qoys ahaan ,
waxayna aalaaba tacsi u diraan muujiyaana siday uga xunyihiin dilalkii loogaystay saaxiibadoodi shaqada ee lagu dilay muqdisho iyo gobolada wadanka Somaliya waxaana sidoo kale magaalada Nairobi kusugan C/xakiin Cumar Jimcaale oo dhaawac ah kooxo hubaysana ay horay ugu dhaawaceen muqdisho xili uu ku sugnaa hoygiisa,waxaa uuna ka dhaawacanyahay mid ka mid ah gacnihiisa , mana helin ilaa iyo iminka Daryeel rasmi ah oo ku filan.
Waxaa jira fursado badan oo soo mara mararka qaar wariyayaasha walow anan badnayn hadana mahaystaan cid taageertay dhan aqooneed iyo mid kaleba ,
waxaa jira kala fikir duwanaan u dhaxaysa wariyaasha qaar walow aanay ahayn mid sababi karta inay kala tagaan,
waxayna badanaa kuu sheegaayaan inaanu jirin wax colaad ah oo ka dhexayn karta wariyayaal isu xirfad ah.
waxaa jooga nairobi wariyayaashi ugu caansanaa muqdisho walow qaar kood ay isaga sii baxeen,
iminka wariyayasha waxay kuu sheegayan inay ku daaleen nolosha wadankan Kenya aanayna ku haysan daryeel ama wax shaqooyin ah ayna jeclaan lahaayeen inay mar un argaan wadankoodii oo nabad ah .

mahmmud hassan idaajaa
idaajaa_1@hotmail.com
nairobi - kenya
www.umadanews.com
umadanews@hotmail.com |