Ma sax baa Ethiopia-du waa gaalo siman Soomaaliduna waa Muslim soocan :

 

BismillaahiRahmaniRahim,

 

Iyadoo aan markaa soo dhammaystay shaqo maalmeedkaygii oo aan usoo socdo dhinaca hoygayga ayaan la kulmay koox dhallinyaro ah oo isugu jiray kuwo aan garanayey iyo qaar aanan garanayninba. Waxaa isna markiiba nagusoo biiray nin heesaya oo qiyaastii da’diisu 50 dhaaftay. Markiiba wiil dhallinyaradii ka mid ah oo uu garanayey ayuu ku yidhi waryaahee ma ogtahay Qur’aankan aad aqridid wuxuu kusoo degay Sacuudiga, oo Sacuudiguna waakan sida xun ula dhaqma dadka u shaqo taga, haddaba intaad Qur’aanka iska daysid dhegayso heesaha.

 

Ninkaas kama ayna muuqannin wax waalli ahi wuxuuna si fiican ugu hadlayey af-soomaliga.

 

Haddaba iyadoo ayna ujeeddadu ahayn inaan cidna si xun farta ugu fiiqayno ayaa haddana dadka soomaaliyeed in badan oo ka mid ah waxaad mooddaa inay u sahlan tahay inay ummad dhan ka dhigaan wax wada xun ama wada wanaajiyaan.

 

Islaamnimada iyo gaalnimaduna midna kuma xidhna qofku waddanka uu ka yimid ee waa hadba qofkii uu Rabbi la Damco Hanuunka.

 

<<Qofkii camalkiisu dib u dhigo, nasabkiisu hore uma dhigo>> ayuu yidhi Suubbanuhu S.C.W

Sida ninkaa aan kor kusoo sheegay, markaad dib ugu fiirsatid sheekooyin badan oo Soomaali laga reebay waxaa maskaxdaada kusoo dhacaya su’aalo badan.

Oday soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ahaa ayaa laga sheegay inuu wiilkiisa oo tukan jiray uu aad uga codsaday inuu salaadda iska daayo. Markii  uu arkay inuu wiilku salaadda ku adag yahay ayuu habeenkii danbe si canaan ah u yidhi : “Wiilyahaw geela salaadda ka daa, oo haddaadan ka daynaynin ta maqrib ka daa oo haddaadan ka daynaynin nuunuuda danbe ka daa “

Waxaa suurowda in odaygaasi uu ka mid ahaa ragga ay talada reerku ka go’do,   bulshaduu la noolaana u haysteen inuu ahaa ninkii keli ahaa. Si kastaba ha ahaatee akhristow bal u bar-bar dhig hadalkii Rasuulku C.S.W ee ahaa « Qofkii salaadda ka tagaa waa gaaloobay »

 

Kaasi salaadda keliya ayuuba diidaye bal ka warran ninkii diiday soomkii iyo salaaddii iyo zekedii oo weliba la yaabban kuwa gudanaya arrimahaas. Wuxuu yidhi : 

“Salaad iyo maxaa iiga dana suxullo maydmaydhka

Soon iyo maxaa iiga dana caano subax diidka

Zeko iyo maxaa iiga dana xoolo nin kale siinta“

« Ku dheh ma Ilaahay iyo Aayadihiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku ciyaaraysaan. Maanta cudur-daar idiinma yaallo. Waad gaalowdeen, markaad rumayseen ka dib… » Attowbah :65 - 66

Waan jeclaan lahaa in dadka soomaaliyeed oo dhami wada yihiin dad wada saafi  ah oo Islaamnimadooduna saafi tahay, haddana waan rajaynayaa inay badankoodu fiican yihiin, waxaase aan bulsho qaran ah laga waayeynin dad qalloocan. Rabbina S.W cadaabta wuxuu nooga sheegay in kunkii qofba mid mooyee inta kale ay ku xaroonayso. Rabbi Ha Inaga bad-baadiyee.

 

Nin kale oo dadkaa qalloocan ka mid ah ayaa isna waxaa laga sheegay inuu yidhi : War ninkii ku yidhaahda Qur’aankaan aqaannaa, waxaa ku filan kaama aqrisanayo.

Waxaan intaas uga jeedaa inaan loo qaadannin in macnaha soomaali uusan la mid noqonnin Islaam ee ay tahay qof walba iyo camalkiisa.

 

Muslimiinta Ethiopia

Sidoo kale waxaad arkaysaa dad badan oo u haysta in Ethiopiyadu wada gaalo tahay, iyaduna waa arrin kale oo ka fiirsi u baahan. Weliba waxaad naxaysaa ama yaabaysaa markaad aragto qof wax garad ah ama dadka horjooge u ah oo aan aqoon fiican u lahayn muslimiinta Ethiopia.

 

Baahi badan uma qabno inaan keenno taariikhdii Boqorkii Najaashi Rabbi Haka Raalli Noqdee iyo islaamiddiisii oo sunnada ku cad iyo wafdigii uu Rasuulka S.C.W. u diray oo soo noqday iyagoo muslimiin ah oo Qur’aanku kaga hadlay Suuradda Al-qassas :52 -55. Hijradii Asxaabtu R.H.R.N. ku tageen dhulkaas iyada waa laga dheregsan yahay-

Waa jirtaa in raggii boqorrada ahaa ama madaxda ka ahaa xukuumadihii kala geddisnaa ee soo maray Ethiopia ay badankoodu ahaayeen rag haysta masiixiga, laakiin waxaa waddankaa ku nool shacab aad u badan oo muslimiin ah.Waxaa isla markaana aan ahayn wax la inkiri karo in boqorradaasi ay aad ugu tiirsanaayeen kaniisadda oo iyaduna ahayd mid xoog leh, taasoo ku dadaali jirtay inay kasbato shacabka ugu badan.

 

Waatan soomaalidu qabiilka wax ku qiimaysee haddaan Ethiopia kasoo qaadno qabiilooyin gaadhaya qiyaastii siddeetan 80, dabcan kama hadlayno lafaha hoose, waxaan odhan karnaa Ethiopia kuma jiro mana laha qabiil aan muslim lahayn.

 

Tirada dadka Ethiopia ku nool waxaa lagu qiyaasaa inay gaadhayso 80 milyan. Muslimiinta ku nooli qaar badani waxay aamminsan yihiin inay ka badan yihiin kala badh dadka ku nool oo noqonaysa 60%, laakiin tirakoobkii ay dawladdu soo saartay 2007-dii wuxuu sheegayaa in muslimiintu ay yihiin 33.9%. Haddii aynu ku ekaanno inta ay dawladdu sheegtay, muslimiinta Ethiopia waxay noqonayaan in ka badan 27 milyan iyo120 kun. Haddii la eego ta muslimiinta Ethiopia sheeganayaanna waa 48 milyan ama kaba badan.

 

Markan akhristaw aan is waydiinno inta ay le’egtahay tirada dadka soomaalida ah kulligood innagoo ka dhigayna inay kulligood muslimiin yihiin. Hadday ugu bataan waxaa laga dhigaa 11 – 15 milyan inta u dhaxaysa (Ilaahay ayaana Og). Yaa yidhi haddaba tirada Soomaali ugu badan oo 15 milyan ah ayaa ka khayr badan midda muslimiinta Ethiopia oo haddaan tirada ugu yar kasoo qaadanno ay qiyaastii laba jeer soomaalida ka badnaanayaan.

 

Dad badan yaab ayey ku noqonaysaa haddii looga sheekeeyo in Addis-ababa ay ku yaallaan masaajiddo waaweyn ama ay muslimiintu maalinta ciidda ku tukudaan garoonka ugu wayn magaalada. Qaar badan waxaa laga yaabaa xataa inayna weli sheeko ku maqlin in Markaatuoo ah suuqa ugu wayn Ethiopia kaasoo la dhaho waa midka ugu wayn Afrika, waxaa gacanta ku haya ama ugu badan ganacsato muslimiin ah.

 

Haddaba dawladdii soomaalida ka bur-burtay iyo tii Ethiopia waxaa ka dhexeeyey colaad aad u waynaatay, taasina waxay saamaysay labada shacab. Markii dagaalkii caanka ahaa lagu qaaday Ethiopia waxaa shacabka soomaaliyeed laga dhaadhiciyey inay gaalo lasoo dagaallamayaan.

 

Ethiopia, iyadu waxay  ciidankeeda kusoo dagaal gelisay inay dhulkooda u dagaallammaan. Waxaana shacabka aad loogu baraarujiyaa midnimo, waddan iyo dhul jacayl. Sidaa darteed maadaama shucuubta ku nooli ay haystaan diimo kala geddisan waxay xukuumaddu aad uga feejignaataa inuu dhasho muran diimeed, hadduu dhashana waxay xukuumaddu isku daydaa inay markiiba demiso.

 

Sheekadii Muxammed

Nin muslim ah oo magaciisa la yidhaahdo Muxammed oo ka mid ahaa ciidamadii Ethiopia oo isaguna ku dagaallamayey inuu dhulkiisa ka difaacayo dadkan kusoo duulay 1977-kii, ayaa wuxuu ka mid ahaa koox ay gacanta ku dhigeen ciidammadii soomaaliyeed. Wuxuu yidhi ninkii sarkaalka soomaaliyeed ahaa ee haystay ciidammadii na qabsaday ayaa ku amray in nala laayo marka nala waraysto, nala baadho oo magacyada nalaga qoro. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi markii dhawr saaxiibbaday ahaa la toogtay ayaa la i waydiiyey magacayga markaasaan ku idhi waxaa la i dhahaa Muxammed. Markaasaa waxaa yaabay ninkii i waraysanayey, kaasoo intuu qaylyey yidhi, taliye bal arag ninkan magaciisa ku sheeganaya Muxammed. Sarkaalkii wuu i waraystay wuxuuna i waydiiyey inaan muslim ahay, markaan u sheegay ayuu iga dalbaday inaan u aqriyo wax ka mid ah Qur’aanka markaasaan u aqriyey suuradda Yaasiin.

 

Sarkaalkii inta uu yaabay ayuu amray in la i dhaqaaleeyo oo la igu daro maxaabiista. Sidaasaan muddo dheer ugu jiray xabsigii labaatan jirow.

 

Haddii Muxammed uu Ilaahay sabab uga dhigay inuu ku bad-baado magaciisa iyo bisinka iyo Yaasiinka fadligooda, kuwii la toogtayna qaarkood waxay ahaayeen muslimiin watay magacyo dhaqameed sida Colaad, Gurxan, Hiraabe, Geeddi, Warfaa, Waaberi iwm. Qofku waa u cadow waxa uusan aqoonin.

Si ay Soomaalida ka noqotayba marar badan way ka saaraan maskaxdooda inay jiraan muslimiin ku nool Ethiopia. Shaksiyaad habeen ka sheekaysanayey jabhadda ONLF ayaa qof ka mid ahi wuxuu yidhi : Waan ogahay dhibka ay jabhaddaasi shacabka ku hayso ama usoo jiiddo laakiin maxaan samaynaa yaan raacnaa gaal iyo muslim?!!

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa koox tabliiq ah oo ka timid qowmiyadda axmaarada ayaa waxay tageen gobol ka mid ah gobollada ay soomaalidu degto ama Ogaden. Markaas ayaa wadaad axmaar ahi u is taagay inuu dadkii wacdiyo, markii ay kooxdii tabliiqa ahayd ay masjidkii kasoo bexeen oo ay rabaan inay dadka ay dariiqa kula kulmayaanna ay wacdiyaan ayaa oday magaalada joogay wuxuu u yeedhay wiil afka axmaariga yaqaannay markaasuu ku yidhi adeer gaalkan waxaad waydiisaa waxa uu masjika kasoo doonay. !!!     Ilaahayow qof aan wax ogayn Ha cadaabin.

Ugu danbayntii waxaan rajaynayaa akhristow in aan adiga iyo anigu isku raacsannahay inay jiraan malaayiin soomaali ah oo muslimiin ah, iyo malaayiin kale oo ah walaalahooda muslimiinta Ethiopia.

 

Naxariis iyo Nabad-gelyo ha ahaato Nebi Muxammed Dushiisa. S.C.W.

Abdirahman Sheikh Bihi

bihiabdi@gmail.com

 

www.umadanews.com

umadanews@hotmail.com