Madaxweynaha Dalka Rwanda Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tagay Dalka DJibouti


Djibouti-Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa maanta booqasho rasmi ah oo socon doonta muddo 48 Saacadood ah ku tagay magaala madaxda dalka Jabuti ee Jabuti.

Madaxaweynaha Rwanda ayaa la sheegay inuu wada hadallo rasmi ah la yeelan doono dhigiisa dalka Jabuti Ismaciil Cumar Geelle, iyadoo wada hadaladaasi ka dhici doonaan Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Jabuuti.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha iskaashiga, dhaqaalaha, Ganacsiga,iyo horumarinta Arrimaha Gobolka, waxayna gabagabada wada hadaladooda ka soo saari doonaan war murtiyeed ku saabsan qodobadii ay ku heshiyeen.

Telefishinka dalka Jabuti ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ay tahay tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Jabuti, waxaana la filyaa inay labada Madaxweyne ay kala saxiixdaan heshiisyo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada maalgashiga,Teknaloojiyada,Isgaarsiinta,sameynta guddi wada jir ah ee labada dal iyo in laga cafiyo dibolomaasiyiinta iyo shaqaalaha Visaha dal ku galka ah ee labadaas Dawladood.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...