SAWIRRO+VIDEO:-Soo Dhoweyn Switzerland Loogu Sameeyay Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Wadani Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi!


Mas’uuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani gaar ahaan laanta Dalka Switzerland, ayaa waxa ay xaflad soo dhoweyn ah Magaalada Zurich ugu qabteen Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Wadani ee Jamhuuriyadda Somalland Ambasador Maxamed Cali Aw Cabdi oo uu wehliyo Siyaasi Xasan muuse Khaliif.

Munaasabadan oo eheed mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani laantiisa dalka Switzerland.

Musharaxa Xisbiga wadani oo madasha ka hadlay ayaa si aah ah waxa uu ugu mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay isagoo sidoo kale Reer wadani gaar ahaan laanta Switzerland ugu baaqay in ay kordhiyaan dadaalkooda si dalka Somaliland dhamaadka sanadka ay ugu dhacdo isbadal muuqdo.

Sidoo kale Amabasador Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxa uu rajo wanaag ka muujiyay in xisbiga wadani uu ku soo bixi doono doorashooyinka Madaxnimada ee Somaliland la dhici doona dabayaaqada sanadkan.

dhanka kale waxaa madasha ka hadlay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga wadani, laanta Switzerland, waxa ayna dhankooda balan qaadeen in ay garab istaagi doonaan Xisbiga Wadani.

Geesta kale waxaa inta ay xaflada socotay lagu dhawaaqay in Mowliid Cilmi uu noqday Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga Wadani laantiisa Switzerland waxa uuna xilkaasi kala wareegay Gudoomiyhii hore ee Xisbiga Laanta Switzerland Maxamed Cismaan Abokor.

Si kastaba ha ahaate Munaasabadan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Cabdiqani Cali Dalmar
Umada News-Zurich Switzerland


Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...