Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Oo Booqday Xarumo Muhiim ah.


Muqdisho:-Guddoomiyaha cusub ee loo magacabay maamulka Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeennada gobolka iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer howleed ku tegay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Masuuliyiintan ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ay ka kooban tahay xarunta dowlada hoose, Xarunta gaadiidka dabdamiska, Xarunta Taliska Ciidanka ilaalada Degaanka Xamar, Xarunta lagu sameeyo Kaarka aqoonsiga iyo Warqadda dhalashada ee Dowladda Hoose ee Xamar iyo sidoo kale Xarunta gaadidka Bisha cas iyo Warshadda soo saarta qalabka dhismaha.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ayaa intii uu kormeer ku guda jiray xarumaha kala duwan ee dowladda Hoose ee Xamar waxa uu la kulmay howlwadeenada Dowladda Hoose oo uu ka dhageystay warbxin ku aadan sida ay u shaqeeyaan iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit ayaa xarunta Bisha Cas kula kulmay ingineero ka tirsan Dalka Turkiga isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta Caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in ujeedka kormeerka guddoomiyaha cusub ee gobolka uu la xiriiro sidii u ogaan lahaa xaaladaha ay ku shaqeeyaan howlwadeenada iyo hantida ma guurtada ah ee taallo xarumaha hoos taha maamulka gobolka.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...