SAWIRRO:-  More  1 of 436     Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo furay Kal-Fadhigii Sadexaad ee Baarlamaanka Jubbaland


Kismaayo, Jubbaland  (3 April, 2017)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah furay kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Shacabka Jubbaland

Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha shacabka waxaa maanta goob joog ahaa 52 Mudane oo katirsan Golaha iyadoo sidaas uu kulanka ku furmay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulanka furay isagoo Madaxweynaha uga warbixiyay Fasaxii ay mudada ku maqnaayeen iyo booqasho Xildhibaano katirsan Golaha ay ku tageen deeganada ay matalaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa qudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka.

Madaxweynahu wuxuu ugu horayn ka hadlay abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in ay sabab u tahay amaanka dalka oo aan wanaagsanayn iyo isku socodka oo xun maadama aan meelaha qaar ee Al-Shabaab ay maamulaan aan wax taakulo ah la gaarsiin Karin.

Isbadalkii dhawaan dalka ka dhacay waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu ahaa mid dadku ay aad usoo dhaweeyeen balse loo bahan yahay in Dowlada iyo madaxda Cusub la garab istaago oo lala shaqeeyo qofka u hooseeya ilaa midka u sareeya si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagto.

Dhinaca amaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in amaanka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale xorta ahba uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taasna ay ka timid isku duubnida Bulshada iyo Ciidanka isagoo Xildhibaanada kula dardaarmay in ay qaby ka qaatan wacyi galinta iyo ku baraarujinta Bulshada sidii ay Ciidamada ula shaqayn lahayeen.

“Amaanku maanta aad buu u wanaagsan yahay arintaasna waxay ku timid dadaal iyo wakhti aan galinay balse waxaa lagama maarmaan ah in aad laftigiinu Bulshada iyo Ciidamada aad sharciyan wacyi galisaan oo aad dadka dhex gashaan” ayuu yiri Madaxweynahu.

Hay’adaha kala duwan ee Dowlada ayuu Madaxweynaha Dowlada Jubbaland sheegay in Xarumo loo dhisayo si gaar ahna wuxuu xusay in Tv-ga Dowlada iyo Wasaarada Warfaafinta dhismo la siiyay oo hada dayactir iyo qalabayn ay ku socoto.

Dib u xoraynta ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay wax waajib ku ah dadka iyo Dowladaba in Al-Shabaab lala dagaalamo oo dhulka ay haystaan laga xoreeyo.

“Dhamaan xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo kuwa Xukuumada waa in aan dareeska wada xirana oo aan hawlgalkaas u wada istaagno Shacab iyo Dowlad” ayuu yiri Madaxweynahu.

Jubbaland shismaheeda iyo xoraynteeda ayuu sheegay in dad badan ay usoo dhinteen kuwo kalana ay diyaar u yihiin in ay naftooda u huraan Xoraynta iyo Nabadgalyada deegankan Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Shirarka Golayaasha Dowlada ayuu sheegay in hada wixii ka danbeeya lagu qaban doono hadba deeganka la xoreeyo si dadku ay u ogaadan in ay Dowladan iyagu leeyahiin oo ay u adeegayso.

“Sharciyada dhulka Dowlada ayaa leh mana jirto sabarloog aan ahayn tii Dowladii Siyaad Bare oo shaqaynaysa isla markana dhul lagu haysan karo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowlada ayuu xusay in ay dhulka masuul ka tahay oo ay u samaynayso sharci iyo nidaam dhul bixineed oo heer caalami ah intaas waxa ka horeeyana aysan cidina dhulka si iskeed ah isaga dhisan Karin.

Baarlamaanka ayuu Madaxweynahu gaba gabadii ku dhiiri galiyay in ay shaqadooda dar dar galiyaan mudada Dowladan u hartay si wax miro dhal ah ay uga tagaan oo hadhow loogu aayo.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay kulanka koobaad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka Jubbaland.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DAWLADDA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...