Talo soo jeedin ku saabsan xuquuqda dadka haysta sharciga ee F ta oo ay soo gudbisay Hay’ada Schweizerisches Flüchtlingeshilfe ee loo yaqaano SFH.


Hay’adan ayaa talo soo jeedinteeda u gudbisay dowlada wadanka Switzerland taasoo ku saabsan wax ka bedelka sharciga ku meel gaarka ee loo yaqaan F kaasoo laga soo gaabiyay afka Jarmalka Vorläufig Aufnahme.

Hay’ada SFH ayaa warbixintaasi oo ay sii daayeen 23 kii bishan aan ku jirno Marso ku sheegtay in farqiga xuquuqeed ee u dhaxeeya sharciyada F iyo B ay yihiin kuwo jiritaan ahaan labadaba ay ka siman yihiin kaliya mudada jiritaankooda oo ah muddo sanad ah waxaana labadooda la cusboonaysiiyaa sanadkii hal mar.

Balse Hay’adaas ayaa tilmaantay in farqigoodu uu yahay mid aad u kala duwan iyagoo sheegay inay jiraan dad badan oo haysta shrciga F kuwaas oo sameeyay is dhexgal dhinac walba ah balse ayna ku xuquuq ahayn kuwoo loo qaabilay qaxootinimada ee heysta     sharciga B.

Isku soo duuboo wax ka bedelka ay Hay’ada SFH soo jeedisay ayay ku soo qodobada soo socda:

  1. Wax ka bedel lagu sameeyo xoojinta Is dhexgalka dhinaca shaqada oo macnaheedu yahay in qofka F haysta xitaa uu xaq u yeesho inuu diyaarin Xirfad shaqo si ay ugu fududaato suuqa shaqada.

  2. In meesha laga saaro sharciga adag ee xadidaya mideynta qoysaska kala maqan marka uu qofka haysto sharciga F.

  3. Sidoo kalena in laga qaado Xayiraada Safar ee saaran dadka haysta sharciga F taasoo ay u arkaan inay ku salaysnayn sharciyada asaasiga ah ee uga yaala Switzerland dhinaca qaxootiga.

Talo soo jeedintan ayaa ku soo aadaysa xilli Baarlamaanka wadankan uu ka dooday 14.10.2016 in wax ka bedel lagu sameeyo Sharciga F-ta Sadex qodob oo waqtigaa laysku raacay ayaan ilaa hada Gudigii loo xilsaaray aanay ilaa hada soo dhamaystirin.

Waxaa warbixinta diyaariyay isku soo dubariday Bahda umadanews.com kala soco wixii warbixin ah ee arintaas ku soo kordha.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...