Madaxweyne Gaas Mucjiso Aan Maaro Loo Hayn! Qalinkii Cabdi Caato !


Gabbalkii dhaca iyo waagii soo guduutaba ged ugub ah iyo jahawareer ayaa hareeyay geyiga Puntland dal iyo dad intaba. Ma dawlad baa, ma jabhad baa, ma horor baa, ma burcad baa? waa su’aalaha ugu faraha badan ee maanta la iswaydiyo gudaha maamul goboleedkii sharafka iyo haybadda bdan lagu yaqaanay.

Haybad dawladnimo duntay, magacii ummadeed muuqaalkiisi waa lumay, dhaqaalihii ummadda lama oga halka uu ku arooray saddex sano oo xiriir ah, habeen iyo dharaar ciidan gadood oo gaajo ka cabanaya. Wasaarado iyo hay’ado dawlad ku magacaaban oo aan bisaduhu ku hoyan kadibb markii hawl-wadeenkii lagu ogaa uu lafihiisa uga cararay oo carruurtiisa u xoogsi tegay.
Qofka aan rumaysan hadalkayga isagon cidna waraysan ha booqdo xarumaha dawladda indhihiisa haku soo arko xaaladda dalku marayo. Ha waraysto ciidamadii ku dhaawacmay dagaalladii Garacad, Suuj iyo Garamaaal, kuwii Galkacyo, kuwii Galgala iyo Qandala ee iyaga iyo hilbahoodu ay isku qurmeen.

M.wayne sii soocda marna soo socda, marka uu garoonka kasoo dego indhaha la raaca masuuliyiinta soo dhowaysa, hoostana ka qora inta ka maqan si uu ula xisaabtamo maalin kadib marka ay xafiiska ugu soo galaan.
Maba xuma haba lasoo dhoweeyee maxaa loogu xilanayaa soo dhowayntiisa? bal adba!!! Sababtoo ah muddadii uu xilka hayay wuxuu marayaa dhowr boqol oo safar oo haba yaraatee aan koob biyo ah ummaddu aanay ka cabbin.
Waxan soo xusuustay murtidii ahayd ” Sii hagoogane, soo hagoogane, hargamaran side, hawli kama harin, habaarna u dheer” waa qof xil ummadeed haya, had iyo goor sii socda haddana fara marnaan la soo taagan.

Taas waxaa igaga sii daran beenta uu Cabdiwali Gaas doonayo inuu ummad dhan ku hoggaamiyo. Safar kasta markuu tegayo wuxuu ka hadlaa inuu u tagayo danaha dadka iyo dalka, markuu soo laabtana wuxuu sheegaa inuu guul kasoo gaaray safarkiisii, haddana natiijo lagama gaaro, wax kasoo naasa cadna lama arko.

Markii berrigii la xaalufiyay haatan waa baddii iyo maraakiib jiriif ah oo cunaha qabatay kalluumaysatadii degaanka iyo burcad-badeed soo noolaatay mar kale.

Waxa yaab leh safarkii ugu dambeeyay ee uu haatan ku tegay dalka Imaaraatka inuu ka codsaday inay dakadda Bosaso la wareegaan sida tan Barbara oo kale isagoo ka fakaraya inuu wax yar oo dhaqaale ah ka sii qaato. Taas xataa carabtii ayay la yaab ku noqotay waxayna u sheegeen nay tii ka raacday Barbara la yaabban yihiin sidaan xal ugu heli lahayeen.

Qofka beenlowga ah maalmaha hore wuxuu sheegaa wax run loo qaadan karo, laakiin markuu caado ka dhigto oo wax qabta la waayo wuxuu u bareeraa been qaawan maadaama tii horeba laga qaban waayay.

Cabdiwali Gaas maanta wuxuu keenay inuu ummadda Puntland ka gado in dawladda Itoobiya ay Airoportka Galkacyo u dhisayso Puntland. Waa weji cusub oo ay gashay beentii Gaas saddex sano kadib.

Ummadda Puntland ku dhaqan maaha dad aan caqli lahayn, mana iska qaban kari waayin wiil yaroo dhafoorro xiiiran, oo markii ay ku adkaatay noloshii barafka usoo tafaxaytay boobka hantida ummadda. Laakiin ummaddu waa indheer-garad wax badan ayay xeerinaysaa waxayna ku xisaabtamaysaa duruufaha ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan gudaha Puntland iyo cadowga faraha badan ee ku xeeran dalka ee doonaya inuu ka faa’idaysto khilaaf iyo muran yar oo billowda.

Hase ahaatee nasiibdarro waxay ka dhacday M.wayne Gaas oo u muuqda inuu ku kedsoomay dulqaadka iyo xeerinta waxgaradka Puntland una qaatay in ummaddu aanay garasho lahayn lana socon hababka gurraacan ee uu doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo.
Bal u fiirso akhriste ballanqaadyadii waqtigii doorashada uu ummadda u sameeyay Cabdiwali Gaas muxuu ka qabtay? Amni, dhaqaale, midnimo, siyaasad, maamul dawladeed intaba maanta way lumeen gudaha Puntland.

Qofkii masuul ah ee dhalliila xilka ha laga qaado, kii kale ee shacab ah hala xiro, weriyaha iyo warbaahinta hala xiro, sidaas ayuu dawladnimada u qaatay Gaas.

Shakhsiyad mucjiso ah oo aan weligeed geyigan lagu arkin ayay haatan dareemaysaa ummadda Puntland inuu hoggaanka u hayo dalka. Sidaas awgeed dad fara badan ayaa ku wareersan sida maaro loogu heli karo aafadan dal iyo dad xaalufisay.

Dawladnnimadu waa heshiis ummad lala galo (social contract ) ku salaysan hawl cad oo la wada ogyahay iyo waqti cayiman oo la yaqaano. Haddii qofku ka baxo heshiiskaas oo wixii loo diray uu qaban waayo waa inuu xilkii loo dhiibay dadkiii la heshiiyay kusoo celiyaa.
Caalamka ma jiro qof xil haya oo haddana siduu doono u dhaqma xisaabtan la’aan, laakiin sidaas waxaa u qaatay madaxwayne Gaas, waase haddii ay u sii socoto.

Dulqaad kasta xad ayuu leeyahay, dulmi iyo dhibaato kastana waxay leeyihiin waqti ay kusoo afjarmi doonaan. Waxan hubaa in waqti aan fogayn Cabdiwali Gaas haddii uu xilka kusoo celin waayo dadkii u dhiibatay waan hubaa inuu isagoo caga cag oo sharaftu ka dhacday uu lafihiisa la carari doono. Sababtoo weel kasta wuxuu leeyahay mug uu qaado, haddii muggiisa ka badan lagu dayo waa daataa.

Cabdi Caato

Norway 

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...