DAAWO MUUQAAL QIIRO BADAN:- Xusuustii XUMAYD (The Bad Memory of PUNTLAND


Ka dib socdaal muddo todobaad ah qaatay oo  Wariye Abshir Dhiirane ku maray deegaano ka tirsan Gobolada Puntland waxa u suuro gashay inuu la wadaago dadweynaha Warbixin muuqaal ah oo si dhab ah uga hadlaysa xaalada iyo dareenka ka jira miyiga iyo tuulooyinka ku yaala Puntland oo saameyn xoog leh ay ku yeesheen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Meel ma dayan barakaca reer miyigu, waxaana ku arkeysaa tuulo walba, banaan kasta iyo jidadka gadiidku maro boqolaal qoys oo is dhinac dhigtay aqal Soomaaligii dalkeenu caanka ku ahaa kuwaas oo u muuqaal eg sidii qaxootigii ama kaamamkii barakacayaasha ee magaalooyinka ku yaalay oo kale .

Qoysaskaan ayaa ah dadka ku cayroobay abaaraha xiriirka ee muddo ku dhaw 4 sano ka jiray inta badan deegaanada Puntland, Waana kuwo aan habayaraatee haysan xoolo iyo hanti ay quutaan midna, waxaana lagu sifeyn karaa inay yihiin kuwo u baahan gurmad deg deg ah oo leh cunto,biyo,caafimaad iyo hooy ama gabaad dhaxanta ay ka dugsadaan.

Wakaalada Puntland u qaabilsan biyaha oo door muhiim ah sanadka ka ciyaaraysa gurmadka biyo dhaanka dadka abaaruhu saameeyeen ayaa lagu arkaa warbixinta doorka muhiimka oo gurmadkani ku leeyihiin gadiidkii dhawaan Dowlada Puntland usoo iibisay in loogu biyo dhaamiyo dadka iyo duunyada ku nool miyiga iyo tuulooyinka.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...