Faah Faahin:- Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Hilaac oo La xiray!


Booliska Dowladda Suudaan ayaa xabsi u taxaabay Fanaanka Nimcaan Hilaac oo ah fanaan da’yar oo dhawaanahay soobaxay kaasoo muddo todobaad ah ku sugnaa Dalka Suudaan si uu Soomaalida Suudaan joogta ugu sameeyo bandhig faneed.

Fanaanka ayaa la xiray kadib markii ay Booliska ka war heleen in Hool ku yaala Magaalada Khartoum ay ka socdeen heeso uu fanaanku u qaadayay kasoo qayb galayaan dad tira ahaan ilaa boqol iyo konton qof oo isugu jiray gabdho iyo wiilal da’yar u badan, kuwaasoo meesha fanaanka kula caweenayay

Dhalinyaro goob joog ahayd oo joogay meesha uu fanaanku heesaha ugu qaadayayayaa sheegay in Hoolka mar qura ay soo galeen Boolis kuwaas oo si toos ah u abaaray fanaanka kadibna dadwaynahii hortiisa ku dharbaaxay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhalinyaradii fanaanka Khartoum ku marti qaatay ay warqadii ogalaashaha Hoolka ay markii hore ku been abuurteen ayna soo qorteen in meesha waxa ka dhacaya uu yahay Aroos ay Soomaali isku guursanayso oo aysan ahay bandhig faneed lacag lagu galayo

Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa ilaa hada la sheegayaa in su’aalo lagu waydiinayo isaga iyo dhalinyaro kale oo howsha la waday Saldhig boolis oo ku yaaala Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa sharci gaar ah u sameysay fanaaniinta iyo bandhigyada nuucaan oo kale ah iyadoo dowladda hoose ee Khartoum ay lacagta meesha kasoo baxda ay ku leedahay qayb oo ay wax ka ogaanayaan waxii la qabtay.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo fanaanka si damaanad ah, inkastoo wararka qaar sheegayaan in fanaanku uu wato Baasaboor Jabuuti ah oo uusan Soomaali ahaan wadanka ku soo galin.

XIGASHO:-ALLBANAADIR

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...