Deg Deg: Wasiirada Cusub (Badbaado Qaran) iyo Qabiiladooda!


Nabiga NNK wuxuu yiray: ” Diinta Waa Nasteexo ama waa talo wuxuuna ku celi celiyey 3 jeer”.  Waxaa la weydiiyey yey u tahay? Wuxuu Nabiga NNK uu ku jawaabay: ( Ilaahey oo laga talo qaato, Kitaabkiisa Quraanka oo laga talo qaato, Nabiga NNK oo laga talo qaato, Madax Muslimiinta oo laga talo qaato oo loola jeedo in amarkooda sidiisa loo fuliyo haddii ay macsi aheyn, iyo shacabka oo laga tala qaato.”

النبي صلى الله عليه وسلم قال ( الدين النصيحة ثلاثا قلنا لمن يا رسول الله قال لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم ) رواه مسلم.

Taaso loola jeedo diintoo dhan talo wanaagsan oo lagu nool yahay.  Soomaalidana waxay tiraahdaa talo adigaa ku nool ee iyada kuguma noola.  Waxaa jira xan ah sababta uu RW Kheyre uu ula soo daahay magacaabista inay tahay inuu rabo inuu so dhiso xukuumadda  badaado oo isbedel doona oo waddiniyiin ah oo tuugnimo ama musuq lagu tuhmeynin ama akhlaaq daro oo ama kuwa balwado leh sida khaadka iyo khamriga oo afarta sano shacabka ka badbaadin karo marxaladda khatarta badan oo ay  ka mid tahay: colaadda ama amni darada, dhaca iyo boobka, musuqmaasuqa, cadaalad darada, jahliga,  dib u dhaca,  qabyaaladda iyo daba dhalifnimo iyo shisheeye kal kaalnimada iyo isu munaafiqeynta.  Sidaa darteeda waxaan kula talinayaa in ragga iyo haweenka hoose ku qoran ay masali karaan sifaadka kor quran iyo kuwa hoose ku qoran:

1. Isbedel doono

2. Amaano

3. Aqoon iyo waayo aragnimo furan

4. waddanimo

5. Dhaqan badbaadin diin, dal iyo dad jeceyl ku saleysan.

6.  Taariikh madow ama musuq maasuq cad lagu heyn (ciddii wax ku og walaalaha hoose ku qoran fadlan si deg deg ah ugu gudbiya RW Hassan Cali Kheyre idankoo haya caddaymo cad cad oo mugdi ku jirin.

Wasiiradan waxaan u bixiyey wasiirada BADBAADO QARAN WAANA KUWAN IYADOO KU HOR QORAN QABIILADOOD SI CADDAALAD DARADA XAFIIS QEYBINTA 4.5 U DHIMATO.   HALBEEGA WAA KAN KU QORAN QURAANKA EE SUURADDA YUSUF EE AH:

A. AMAANO, HUFNAAN IYO AKHLAAQ SARE OO AAN MIDNA BALWAD LAHEYN

B. AQOON IYO WAAYO ARAGNIMO GUUD:

1. Dr. Hussein Warsame, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna RW ku xigeen, Qabiilka (Somali, Wadani)

2. Dr. Abdirahman Sulub Wasiirka Qorsheynta,Qabiilka (Somali, Wadani)

3. Sh. Mohamed Idiris, Wasiirka Warfaafinta, Qabiilka (Somali, Wadani)

4.  Sh. Mustafa Harun, Wasiirka Maaliyadda, Qabiilka (Somali, Wadani)

5.  Md. Abdi Baasid Mohamed Abdiraxmaan ( Afhayeenkii hore ee gobolka banaadir), Wasiirka Arimaha Gudaha,  Amniga Qaran, iyo Federaalka, Qabiilka (Somali, Wadani)

6.  Md. Abukar Armaan,  Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Qabiilka (Somali, Wadani)

7.  Md. Mohamud Nur Tarsan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,  Qabiilka (Somali, Wadani)

8.  Md. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Hubdhigista,  Qabiilka (Somali, Wadani)

9.  Sh. Nuur Baaruud, Wasiirka Awqaafta iyo Artimaha Diiinta, Qabiilka (Somali, Wadani)

10  Dr. Abdirahman Baadiyow, Wasiirka Difaaca Qaranka ee Soomaaliya, Qabiilka (Somali, Wadani)

11. Md. Mohamed Bare,  Wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada, Qabiilka (Somali, Wadani)

12.  Dr. Abdirahman Bayle, Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Qabiilka (Somali, Wadani)

13.  Dr. Maryan Qaasim, Wasiirka Caafimaadka, Qabiilka (Somali, Wadani)

14.   Md. Hamdi Sheikh,  Wasiiradda Arimaha Bulshada, Shaqaalaha iyo Haweenka, Qabiilka (Somali, Wadani)

 15.  Xildhibaan Mohamed Kaynaan ( Minnesota), Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Qabiilka (Somali, Wadani)

16.  Dr. Farah Qare,  Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda,

17. Ing. Nadiifo Mohamed Osman,  Wasiiradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Qabiilka (Somali, Wadani)

18. Md. Qaasim Busuri, Wasiirka Waxbarashada,  Qabiilka (Somali, Wadani)

19.  Hussein Sh. Nur, Wasiirka Beeraha iyo Xanaada Xoolaha, ( Somali, Wadani)

20. Md. Xildhibaan Sadiq Warfaa,  Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada (Somali Waddani)

Xafiisyada Qaranka Qaar Ka Mid ah:

Dr. Mohamed Ingriis,  Madaxa xafiiska siyaasada ee RW Kheyre, Qabiilka (Somali, Wadani)

Md. Daa’uud Ciid,  Madaxa Xafiiska ama commission ka la dagaalanka musuq maasuqa, Qabiilka (Somali, Wadani)

Dr.  Sacdiyo Adan, Madaxa Xafiiska ama commission ka Ilaalinta xuquuqul Insaanka, Qabiilka (Somali, Wadani)

Avv. Mohamed Keynaan (London), La Taliyaha Sharciga ee Xafiiska RW  Kheyre. Qabiilka (Somali, Wadani)

Sh. Bashiir Salad,  Madaxa Golaha madax banaan ee Culumada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda, Qabiilka (Somali, Wadani)

Taladan oo qoraal ah ayaan gudbiyey la taliyaha Xafiiska MW Farmaajo. Raali gelin dad badan oo Soomaali waddaniyiin ah oo Aamin ah oo aqoon leh oo aan ka tegay waayo shardi ma’ahan in Soomaali oo dhan ay madax wada noqdaan.  Allahuma Hal Ballagtu Fash had ( Ilaahey waajibkeygii la talinta dowladda waan gutay marqaatina adigaa igu filan).

 

Imam/Dr.  Hassan Jaamici,

Director of Minnesota Dacwah Institute (La Taliyaha Shacabka)

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Dad Goor Dhoweed lagu Dilay magaalada Muqdisho & faahfaahino Ka Soo Baxaya
- Apr 27, 2017
Galabta casar gaabadkii ayaa iska horimaad khasaare badan geystay waxaa uu ka dhacay degmada ...
Sawirro-Madaxweynaha Jubbaland Oo Xariga Kajaray Garoon Kubadeed Oo Casri ah.
- Apr 27, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u furay garoonka kubada Cagta ...
Sawirro:-Madaxweynaha Jubaland Oo Qado Sharaf U Sameeyay Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida
- Apr 26, 2017
Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado sharaf u sameeyay Sarakiisha ...
Midowga Afrika iyo Maraykanka oo Ka Wada Hadlay Arimaha Amniga Somaliya
- Apr 26, 2017
Stuttgart-deutschland-Shirkii dhawaan ka furmey magaalada Stuttgart ee dalka Germany ee ay soo diyaariyeen Taliska ...
Daawo-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Siwey Loogu Soo Dhoweeyey Turkiga.
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaaladda Ankara ee caasimadda dalka ...
Daawo Heshiis-kii Ey Wada Gaareen Dowlada Putland Iyo Urur-Diimeed-ka Cusub Ee Assadicun Bil Alxaq
- Apr 26, 2017
Daawo Heshiis-kii Ey Wada Gaareen Dowlada Putland Iyo Urur-Diimeed-ka Cusub Ee Assadicun Bil Alxaq
Daawo Wafti Ey Hogaaminayo Garaad Saleeban Iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salan oo Bosaso Soo Gaaray
- Apr 26, 2017
Daawo Wafti Ey Hogaaminayo Garaad Saleebaan Garaad maxmed  Iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salan oo ...
Madxweyne Somaliya Farmaajo Oo Turkiga Ku Wajahan
- Apr 25, 2017
Muqdisho-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta ku wajahan dalka ...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Ee Somaliya oo Maliintii Labaad xukun dil ah fulisay
- Apr 25, 2017
Muqdisho- Maanta ay Taariikhdu tahay 25/04/2017 waxaa Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ...
SAWIRRO:-Magacyada 4 Nin Oo La Sheegay In ay Ka Tirsanyihiin Al-Shabaab Dil Lagu Fuliyay!
- Apr 24, 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun Dil ah ku fulisay maanta oo ...