SAWIRRO:-Saraakiil Leyli tababbar ku soo qaatay dalka Jabuuti oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay


S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhegacaleen) iyo Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa maanta gegida Diyaaradaha caalamiga Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ku soo dhoweeyey tiro ciidan leyli Saraakiil oo ka tirsan Ciidanka Booliska oo tababbar shan bilood ku soo qaatay Dalka Jabuuti.

Ciidamada tababbarka u soo dhamaaday ee maanta dalkooda dib ugu soo laabtay ayaa qeyb ka noqonaya ciidamada loogu talagalay inay ka qeyb qaataan sugidda amniga dalka, waxaana hadal dar daaran ah oo uu u jeediyay ciidankan Sareeyo Guuto Axmed Dayib Axmed uu ku aadanaa sidii ay shacabkooda ugu adeegi lahaayeen oo ay u fulin lahaayeen tababbarka loo siiyay inay cadowga ka difaacaan.

“Waxaa idin soo dhamaatay tababbar ciidan oo muddo shan bil ah oo aad ku soo qaadateen dalka Jabuuti, xaqiiqdii waa tallaabo lagu farxo in taliska booliska uu markasta xoogga saaro tayeynta iyo dib u habeynta ciidanka booliska, waxaana idinkula dar daarmayaa inaad shacabkiina ugu adeegtaan waxyaabaha la idin soo baray” ayuu yiri Sareeyo Guuto Axmed Dhagacaleen.

Taliska ciidanka booliska ayaa dadaal u galay sidii booliska looga dhisi lahaa dhan waliba xagga aqoonta iyo xag tababbar ciidan, maadaama ay yihiin saaxiibka koowaad ee shacabka, isla markaana ay har iyo habeenba u taaganyihiin ilaalinta sharciga.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Dad Goor Dhoweed lagu Dilay magaalada Muqdisho & faahfaahino Ka Soo Baxaya
- Apr 27, 2017
Galabta casar gaabadkii ayaa iska horimaad khasaare badan geystay waxaa uu ka dhacay degmada ...
Sawirro-Madaxweynaha Jubbaland Oo Xariga Kajaray Garoon Kubadeed Oo Casri ah.
- Apr 27, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u furay garoonka kubada Cagta ...
Sawirro:-Madaxweynaha Jubaland Oo Qado Sharaf U Sameeyay Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida
- Apr 26, 2017
Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado sharaf u sameeyay Sarakiisha ...
Midowga Afrika iyo Maraykanka oo Ka Wada Hadlay Arimaha Amniga Somaliya
- Apr 26, 2017
Stuttgart-deutschland-Shirkii dhawaan ka furmey magaalada Stuttgart ee dalka Germany ee ay soo diyaariyeen Taliska ...
Daawo-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Siwey Loogu Soo Dhoweeyey Turkiga.
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaaladda Ankara ee caasimadda dalka ...
Daawo Heshiis-kii Ey Wada Gaareen Dowlada Putland Iyo Urur-Diimeed-ka Cusub Ee Assadicun Bil Alxaq
- Apr 26, 2017
Daawo Heshiis-kii Ey Wada Gaareen Dowlada Putland Iyo Urur-Diimeed-ka Cusub Ee Assadicun Bil Alxaq
Daawo Wafti Ey Hogaaminayo Garaad Saleeban Iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salan oo Bosaso Soo Gaaray
- Apr 26, 2017
Daawo Wafti Ey Hogaaminayo Garaad Saleebaan Garaad maxmed  Iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salan oo ...
Madxweyne Somaliya Farmaajo Oo Turkiga Ku Wajahan
- Apr 25, 2017
Muqdisho-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta ku wajahan dalka ...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Ee Somaliya oo Maliintii Labaad xukun dil ah fulisay
- Apr 25, 2017
Muqdisho- Maanta ay Taariikhdu tahay 25/04/2017 waxaa Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ...
SAWIRRO:-Magacyada 4 Nin Oo La Sheegay In ay Ka Tirsanyihiin Al-Shabaab Dil Lagu Fuliyay!
- Apr 24, 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun Dil ah ku fulisay maanta oo ...