XOG: Xubnaha dhalashada Mareykanka heysta ee lacagta Daamujadiid qeybinaya.


 

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya  iyo Taliye  ciidan oo heysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa waxaa ay si cad u jabiyeen digniintii horey uga soo baxday dowlada Mareykanka,taasi oo aheyd in  qofkii dhalashada dalkooda ee ka qeybgala musuqmasuqa doorashada Soomaaliya  ay la tiigsan doonaan sharciga dalka Mareykanka.   Xubnahan oo kala ah Xildhibaan Sadaq Abdikariim, Xildhibaan Sadiq Warfaa, Xildhibaan Ali Balcad, Xildhibaan Mohamud Abdirahman Beenebeene iyo Taliye Abdilahi Macalin Nuur ayaa waxaa ay kooxda Daamujadiid u xil saartay qeybinta lacagaha laaluushka ah ee loo qeybinayo baarlamaanka. Taasi oo ay ka dhex bilaabeen xarumaha ay ka wadaan  ololahooda.   Waxaana si aan qarsoodi aheyn u sheegayaan inay codka baarlamaanka  ku iibsanayaan lacagta ay heystaan, taasi oo meel ka dhac weyn ku ah dowlada la filayo in la dhiso. Sidoo kalana danbi weyn ka ah dhanka dowlada Mareykanka.

Shaqsiyaadka dhalashada USA heysta ee lacagta Daamujadiid qeybinaya!!

Xildhibaanada oo laba horey  agaasimayaal uga ahaa madaxtooyadda ayaa wax cusub ku aheyn inay ku shaqeeyan nidaamka musuqmasuqa iyo laaluush bixinta, waxaase hadda kusoo biiray Sadiq Warfaa iyo Mohamud Abdirahman Beene-Beene oo ladaba ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya. Waxaana sidoo kale madax ka yihiin guddi baarlamaan oo ay sameysteen Daamujadiid, kuwaasi oo aan muuqaalo idin ka heyno.

Dhinaca kale, Abdilahi Macalin Nuur waa askari ku gaaray 2 sano darajada GENERAAL iyo hoggaanka saadka ciidanka. Sababtana ay tahay inuu qaraabo dhaw la yahay Xasan Shiikh Maxamuud, islamarkaana uu ku jiro kaadiriinta u hoggaansan musuqmasuqa Daamujadiid.

Dowlada Mareykanka  ayaan la ogeyn  waxa ay ka qaban doonto xubnahan dhalashadooda geysta ee sida muuqata lugaha ula galay laaluush iyo xoojinta musuqmasuqa, maadaama ay horey u sheegtay inay muwaadiniinta heysta dhalashadeeda la tiigsan doonto sharciga Mareykanka.
 

 

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.

Tags: 


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...