Sawirro:-Kooxda-Man City oo Kaalnta Labaad Ka Gashay Kala Horreynta EPL Sawirro


Zurich:-Kooxda kubadda Cagta Mangester City ayaa haatan soo gashay kaalinta 2-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League Dalka Ingiriiska, kadib markii ay guul muhiim ah ka gaartay Kooxda Arsenal, ciyaartaasi oo ka dhcaday garoonkeeda Etihad ee ay ku ciyaarto Kooxda Man Ccity.

Kooxda Arsenal ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey afartii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta Theo Walcott, kaddib markii baas hagaagsan oo uu ka helay saaxiibkiisa Alexis Sanchez, Gunners oo 1-0 ku hoggaamisay Man City oo gurigeeda joogta ayaana lagu kala nastay kulankan.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man City ayaa la timid ciyaar dardar iyo baasas u dhisan waxaana u suura gashay inay ciyaarta dhanka kale u rogaan, waxaana goolka barbaraha u dhaliyey Leroy Sane, wuxuuna ahaa Goolkii ugu horreeyey Leroy Sane ee uu u dhaliyo Man City ayuu ahaa waxaana uu yimid daqiiqaddii 47’aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta, iyadoo uu ka caawiyey David Silva, waxaana uu dhammaystiray kubbad uu soo karoosay, isagoo dhinac ka dhigay goolka Arsenal kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Man City ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii 72’aad waxaana u dhaliyey Raheem Sterling, kaddib markii uu garabka bidix kala soo xarooday kubbad uu ka helay Kevin de Bruyne, laad xoog leh qabad siiyey kubadda, taasoo ka hoos dustay goolhaye Cech, kulanka ayaana 2-1 looga adkaatay Arsenal oo marti ahayd.

Kooxda Manchester City ayaa soo degtay kaalinta 2-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 36-dhibcood 17 kulan oo ay ciyaartay, halka Arsenal loo riixay kaalinta afaraad, inkastoo 34-dhibcood ay la wadaagto kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Liverpool oo kulan u harsan yahay, iyadoo kaalinta 1-aad ay ku raaxeeysanayso Kooxda Chelsea oo leh 43 dhibcood.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...