Xulalka England iyo Spain oo Ka Xir xirtay Euro 2016 ee France Halka Iceland Iyo Italy ay Siwayn U dabaal dageen+Sawiro


Xulka Qaranka Iceland oo Kan  England ka reebay tartanka Euro 2016 ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen iyagoo u soo baxay wareega 8da ee tartanka qaramada Yurub iyagoo wareega xiga la ciyaari doona France waana markii ugu horeysay abid ee ay Iceland ka qeyb qaadato tartanka Yurub waxaana ay durbaba marayaan wareega 8da.

Iceland teammates celebrate Iceland's first goal by Iceland's defender Hjoertur Hermannsson during Euro 2016 round of 16 football match between England and Iceland at the Allianz Riviera stadium in Nice on June 27, 2016. / AFP / PAUL ELLIS (Photo credit should read PAUL ELLIS/AFP/Getty Images)

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si waali ah qeybtii hore, xulka England ayaana fursad u helay inay ciyaarta hogaanka u qabtaan daqiiqadii 4aad markii loo dhigay gool ku laaad iyadoo goolhayaha Iceland Halldorsson uu jalaafeeyay Raheem Sterling xerada ganaaxa dhexdeeda garsooraha ayaana tilmaamay rigoore.

Kabtanka Qaranka England ayaa u saxiixay rigoorada ingiriiska waxaana durbadiiba ka daba yimi oo la wareegay hogaaminta Ciyaarta Xulka Iceland oo  isagu cashar lama ilaawaan ah u dhigay kan England.Cl_A-L7WIAAg1Kx-620x399

Iceland waa Jaziirad yar oo aan horey tartamada yurub aan oga qayb qaadan balse waxaa ay lasoo baxeen khibrad ciyaareed oo aan laga maleysanayn .

during the UEFA EURO 2016 round of 16 match between England and Iceland at Allianz Riviera Stadium on June 27, 2016 in Nice, France.

Qaranka Iceland ayaa waxaa labada gool u kala dhaliyay Ragnar Sigurdsson iyo Kolbeinn Sigthorsson iyagoo ugu danbeytiina kula dabaal dagay Jamaahiirtooda Allianz Riviera stdium.

Sidoo kale Xulka Talyaaniga ayaa iska xaadiriyay wareega 8da ee Euro 2016 ka dib markii ay meesha ka saareen xulka Spain iyagoo 2-0 ku garaacay xulkii difaacanayay koobkaan ee La Roja.

Goolal ay dhaliyeen Chiellini iyo Pelle ayaa ugu filnaa Italy inay kaga talaabsato xulka Spain iyagoo wareega 8da ku balansan xulka Jarmalka.

Jarmalka ayaa xalayto si raaxo leh kaga soo gudbay xulka Slovakia iyagoo 3-0 ku soo dubtay, waxaana ay haatan wajihi doonaan xulka Azzurri oo kalsooni badan qaba ka dib guushii weyneyd ee ay ka gaareen xulka Spain.

Sidoo kale Copa America ayaa soo gaba gabooway  waxaana Sanadkii labaad oo xariir ah la hoyday Xulka qaranka Chile oo ay rogoora yaal isla gaareen kan Arjentina.waa-yaqaan-sida-loo-ooyo-429x300

Arjentina ayaa wacdaro dhigaysay inta uu socday koobkaan waxaana sanadkaan ay u miciya lisanaysay inay qaadaan koobkaan madama 4 mar oo isku xiga ay final uun ay ku hungoobayeen.

Si kastaba Chile ayaa jilbaha u dhigtay Arjentina waxaana si wanaaagsan ay kubada ola qaybsadeen xulka Qaranka Arjentina iyagoo kaarka Cas laga siiyay Laacibka u dheela Naadiga Basel ee Diaz.

Sidoo kale Arjentina ayaa waxaa iyaguna ka qaatay kaarka cas Laacibka reer Man united ee Rojo kadib markii uu is adag u galay Arturo Vidal.

Kahor ciyaarta ayaa waxaa hadlay laacibkoodii hore ee Maradona marna usoo noqday qaranka Tababare waxaana uu sheegay in Hadii Arjentin ay qaadi waydo koobkaan ay ku haboon tahay inaysan dib isugu imaan Tartamada Caalamiga ah .

Arintaasi ayaa saxaafada ka hadashay waxaana Durbadiisa ku dhawaaqay Laacibka reer Barce ee Lionel Messi inuusan u safan doonin Xulka Qaranka Arjentina oo uu isaga Fariinsan doono Ciyaaraha Qaramada waxaana sidoo kale ku Raacay oo isna Si aan Rasmi ahayn u Sheegay Kun Agüerro inuu isaga Hari doono Qaranka Arjentina.

Arintaasi ayaa waxay ku Noqonaysaa Arjentin Dhabar jab wayn waxaana dhowaan la filayaa inuu Qabsoomo Shir ay isugu Imaan doonan Masuuliyiinka Xirirka Kubada Cagta ee Arjentina.

Shirkaas ayaa waxaa looga Tashan doonaa sidii loo daba qaban lahaa Qaranka sii Niyad xumaanaya waxaana dhiiri galin loo sameen doonaa Xidigaha doonaya inay isaga hayaamaan Xulka Qaranka Arjentina.

Sidoo Kale Garsoorihii hayay Ciyaarta Final ahayd ayaa waxaa Eedayn u soo jeediyay Xariirka kubada Cagta ee Qaranka Arjentina waxaana ay sheegeen inay Garsooraha Ciyaarta ka waynaatay oo uu Xakamayn waayay.

ugu Danbeyntii ayaa waxaa Copa America u dabaal dagay Xulka Qaranka Chile halka Arjentina ay oohin uun la Hoyatay.

 

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.

Tags: 


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...