Xulka Qaranka Faransiiska oo Guul ka Gaarey R. Of Ireland iyo Germalka oo Si Sahlan ugu Soo Baxay Wareega 8da ee Euro 2016+Sawiro


Koobka Yurub ayaa wali soconaya waxaana iminka lamarayaa wareegii 2aad ee  16ka Kooxood  waxaana hoyday wadamo badan kuwaasi oo ay kamid yihiin Switzerland Republic  of Ireland Slovakia Croatia N. Ireland

Sidoo kale caawa waxaa Fooda is dari doona  Hungry iyo Belgiem ka oo ku balansan Stadium Municipal .1466952241116_lc_galleryImage_France_supporters_wave_fl

France ayaa kamid ah wadamada ugu cad cad inay qaadaan koobkaan Yurub ee sanadkaan wadankooda lagu qabanayo waxaana maanta ay garaaceen Republic of Ireland.1466946910902_lc_galleryImage_Football_Soccer_France_v_

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh waxaana bilowgii ciyaarta laga nixiyay  Xulka qaranka France oo gool Rigoore ah la  dhex dhigay Shabaqooda waxaana  dhaliyay goolkaasi Robert Brady  oo gabi ahaanba ka farxiyay Jamaahiirta R. Ireland.1466951027398_lc_galleryImage_Football_Soccer_France_v_

Xulka France oo weerar badan ku qaaday shabaqa R.Ireland ayaa waxaa u suura gashay inay dhaliyaan laba gool oo deg deg ah waxaana labada gool u wada dhaliyay Xigida Altetico Madrid ee Antonio Grienzmann.

R.of Ireland oo qudhooda soo bandhigay Ciyaar wacneed ayaa waxaa kaarka cas ka qaatay Shane Duffy  daqiiqada marka ay ahayd 66 qaybtii danbe ee ciyaarta waxaana arintaasi ay u sahashay Xulka Qaranka France inay kasoo Gudbaan Ireland .0GjhNEDSEmCBNvThxKNz_GettyImages-543145872-620x413

Sidoo kale Xulka Jarmalka ayaa si sahlan ugu soo baxay wareega 8da ee Euro 2016 ka dib markii ay 3-0 ku xasuuqeen xulka Slovakia iyadoo weliba Mesut Ozil uu rigoore ka qasaariyay qeybtii hore ee ciyaarta. Xulka heysta Koobka Adduunka ayaa wareega 8da ku sugaya xulkii ka soo baxa Italy iyo Spain oo habeen danbe ciyaaraya.

Ciyaarta waxa ay ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo Jarmalka ay durbadiiba bilaabeen inay koontaroolaan kubada, fursadii ugu horeysay ee ciyaarta iyagana ayaana helay daqiiqadii 7aad markii laad xor ah uu soo qaaday Toni Kroos uu madaxeeyay Sami Khedira laakiin waxaa faraha foodooda ku bixiyay goolhaye Kozacik.Cl487cjWQAExhVW-620x411

Daqiiqadii  8aad ayaa Koornadii ka dhalatay ay soo tuureen xulka Jarmalka ayaa waxaa iska soo bixisay Slovakia laakiin waxaa kubada banaanka xerada ganaaxa ku helay Jerome Boateng kaasoo darbo joog hoose oo gantaal ah ku tuuray goolka, waxa ay sii taabatay ciyaaryahan Slovakia ah ka hor inta aysan shabaqa ku nasanin, waxaana uu hogaanka u dhiibay xulka heysta Koobka Adduunka.Hs635WGXTym0OnOgVaCo_GettyImages-543147392-620x413

sidoo kale xulka Germalka waxaa labada gool oo kale u kala dhaliyay Mario Gomez iyo Julian Draxler waxaana goolashaasi ay gabi ahaanba quusiyeen Rajadii xulka qaranka Slovakia  oo ka xir xirtay Koobka Euro 2016  ee France.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.

Tags: 


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...