Qaranka Turkiga oo loo Awood Sheegtay Croatia oo Czech Republic dhaafi waysay iyo Talyaaniga oo Guruubka E Kasoo Dabaashay+Sawiro


Wadanka Difaacanaya koobka qaramada Yurub ee Spain ayaa kusoo biirey xulalka France iyo Italy wareega 16ka Euro 2016 ka dib markii ay si sahlan 3-0 uga takhaluseen xulka Turkiga iyadoo Alvaro Morata uu labo gool dhaliyay halka Nolito uu gool dhaliyay islamarkaana uu caawiye ka ahaa gool kale.ClLeF89XEAEyV7I

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay kuna dhamaatay iyadoo Spain ay kubada inteeda badan heysato, waxaana xulka Turkiga ay ku guuldareysteen inay soo bandhigaan ciyaar isku xiran oo qaabeysan, waxaana ay ku hungoobeen inay adkeeyaan daafacooda taasoo u sahashay in La Roja ay goolal badan ka dhaliyo kulankii caawa.1J6DyprRXRLz6T4FOjgg_morata33-620x412

Goolshii dhashay qeybta hore ee ciyaarta ayaa ahaa kuwa isku xigxigay oo Spain ay si wacan u dhistay islamarkaan ay u qalantay marka loo eego fursadihii ay heleen iyado weliba sida ay kubada u heysteen inta badan.

Andres Iniesta ayaa kubad cajiib ah siiyay Jordi Alba oo goolka u furnaa laakiin waxa uu ugu deeqay Morata oo qabadsiiyay goolka qaranka Turkiga oo gabi ahaanba caawa loo awoodsheegtay.Andrés_Iniesta_Euro_2012_final

Xidiga qaranka Spain ee Iniesta ayaa sidoo kale caawana noqday xidigii ugu kubad taabashada badnaa waxaana laacibkaan uu ka muuqday dhanka kasta garoonka isaga oo qayb wayn ka ahaa guusha wayn ee caawa usoo hoyatay Qaranka Spain.

Croatia Iyo Czech Republic v-Croatia

Dhanka Kale Xulka Croatia ayaa ciyaar gacantooda ku jirta oo ay 2-0 ku hogaaminayeen iska qasaarisay ka dib markii ay u ogolaadeen in Czech Republic oo ciyaarta laga heystay ay barbareeyaan ka dib rigoore waqtigii dhimashada aheyd uu ku barbareeyay Necid, iyadoo jamaahiirta xulka Croatia ay sabab u noqdeen burburka xulkooda ka dib markii ay ciyaarta hakad ku galayeen buleero holcaya oo ay garoonka ku soo tuureen iyo dagaal dhexdooda ah.ClK56OKWIAAxpI2-620x349

Xulka Croatia ayaa ku soo gashay shax aan ka bedelneyn tii ay ku garaaceen xulka Turkiga isbuucii hore iyadoo Darijo Srna uu ku soo bilowday daafac midig maalmo yar ka dib markii uu aabihiis geeriyooday,

Vedran Corluka ayaa isna ku soo bilowday daafaca inkastoo daqar weyn ka soo gaaray madaxa isbuucii hore, Czech ayaa iyagana labo bedel ku sameeyay shaxdooda kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Spain iyadoo ku soo bilabay Jiri Skalak iyo David Lafata kuwaasoo booska kala baxay Theodor Gebre Selassie iyo Tomas Necid.

Xulka Croatia ayaana ciyaarta iska heysatay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo dabeysha ay hal dhinac kaliya u socotay, waxa ay qeybtii hore kubada heysteen boqolkiiba 61 taas cagsigeeda Czech waxa ay kubada heysteen boqolkiiba 31. Sidoo kale Croatia 10 darbo ayay heleen oo afar ka mid ah ay goolka ku bartilmaameedsanaayeen.

ivan Persic iyo Ivan Rakitic ayaa Croatia u kala dhaliyay labada gool balse waxaa ka daba yimi Goolashaasi Milan Skoda iyo Tomas Necid oo iyaguna min hal gool u kala dhaliyay Qaranka  Xulka qaranka Czech Republic  waxaana Ciyaartaa kusoo idlaatay barbaro 2-2 ah .

Groub E.

Gool uu dhaliyay Eder ayaa ka saaciday xulka Talyaaniga inay 1-0 ku dhaafaan xulka Sweden oo mixnad ku ahaa waqtiga intiisa badan, iyadoo Azzurri ay iska xaadirisay wareega 16ka ee Euro 2016 ka dib labo kulan oo ay badiyeen Group E.ClKu9goUgAAdGmv-600x450

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid aad la isagu dheganaa inkastoo aan midkoodna labada goolhayahe ee labada xul la tijaabinin. Sweden ayaa kubada inteeda badan heysatay qeybtii hore iyagoo kubad-heysashadooda ay aheyd boqolkiiba 59 halka Italy ay aheyd boqolkiiba 41, laakiin waa ay ku adkeyd inay abuuraan fursado ay ku biigsanayaan goolka Italy .

Ciyaartaan oo isku qaab ahayd labada qayb ba ayaa ugu danbeyntii Sweden loo qabeeyay waxaana looga nixiyay gool daqiiqadii 88aad ee xili dhamaadka ciyaarta kaasi oo ka saaciday Itaaliya inay banaanka oga soo baxdo Guruubka E.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.

Tags: 


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...