Germalka iyo Poland oo Is Mari waayay England oo Wales Dubatay iyo Ukrain oo Rajadeeda Ceel Afla,aan ah ku Dhacday.


Silsilada qaramada Yurub ayaa wali  u tartamaya Euro 2016 oo kasocda wadanka France Waxaana goor dhow lagu kala dareeray kulan dhexmarey Xulalka Poland iyo Germany ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday magaalada Paris ka dib kulan xiiso lahaa oo dhexmartay labada xul iyadoo xiddiga Poland Milik uu caawa xulkiisa ka qasaariyay seddex dhibcood ka dib fursado dahabi ah oo soo maray Waana kulankii ugu horeysay ee barbaro goolal la’aan ah lagu kala baxo sannadkan tartanka Euro 2016.ClGSXcTWQAAz-l7.jpg_small-620x394

Tababare Low ayaa hal bedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii furitaanka Euro 2016 iyadoo Mats Hummels uu ku soo bilowday halka Mustafi uu keyd galay, dhanka Poland waxaa dhaawac uu ka soo gaaray goolhayahooda Szczesny taasoo keentay in Fabianski uu ku soo bilowdo.

Macalin ka Qaranka Poland Adam Nawałka ayaa sheegay ciyaarta kadib inuu u qalmey inuu Germalka ka badiyo oo 3 dhibcood uu ka qaato waxaana uu sheegay in wiilashiisa ay muujiyeen ciyaar wanaagsan ayuu yiri Macalin Adam Nawałka.Adam_Nawalka

Tababare Adam Nawałka waa Polandese  in badan kasoo shaqeeyay Tababarenimo waxaana uu qudhiisa ahaa Ciyaar yahan Hore waxaana uu sidoo kale kasoo jeedaa Qoys kubada cagta taariikh ku leh waxaana uu qabtay laylinta qaranka Poland 2013 kii isagoo kor usoo qaaday Qaranka Poland tayadiisa  waxaana uu hamigiisu yahay in uu qaado koobka Euro 2016 oo iminka uu la siman yahay Qaranka Germany oo waxay leeyihiin min 4 dhibcood.

Poland waxay fooda is dari doonaan Qaranka Ukrain oo aan wax dhibic ah wadan Taariikhda marka ay tahay 21.06 2016 Talaadada soo socota hadii ay ka badiyaan Qaranka Ukrain oo isagu wax Rajo ah aan qabin waxay kasoo baxi doonan Guruubka C halka isla maalintaas ay wada Ciyaari doonan Germalka iyo N,Ireland oo 3 dhibcood wadata.England-2

Dhanka Kale Xulka qaranka England ayaa guul soo laabsho ah ka gadhay dariskooda Wales, inksata oo uu Gareth Bale gool cajiib ah uu Wales hogaanka ugu dhiibay qaybtii hore, haddana Jamie Vardy iyo Daniel Sturridge oo kaydka ka soo kacay ayaa noqday geesiyada saddexda libaax waxayna England ka caawiyeen in ay hogaanka u qabtaan Group B. England ayaa laba kulan ka heshay afar dhibcood halka Slovakia iyo Wales ay min laba kulan ka urursadeen min saddex dhibcood waxaana ugu hooseeya xulka qaranka Russia oo leh hal dhibic.8reland

Dhanka Kale Gool ay dhaliyeen McGinn iyo McAuley ayaa ka saaciday xulka Northern Ireland inay guushoodii ugu horeysay ee tartan caalami ah ee tan iyo Koobkii Adduunka ee 1982 ka gaaraan xulka Ukraine iyagoo 2-0 kaga takhalusay islamarkaana sii nooleeyay rajadooda ay ku gaari karaan wareega 16ka ee Euro 2016. Halka Ukraine uu xaalka ku xun yahay islamarkaana ay qarka u saaran tahay inay ka harto tartanka.ClFyuAYXIAEFSat-620x413

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid madadaalo leh ciyaartii ka socotay Stade de Lyon. Xiddiga xulka Waqooyiga Ireland Craig Carthcart ayaa helay helay fursadii ugu fiicneyd ee qeybtii hore isagoo kubad madax ah si ciriiri ah ku dulmaryay goolka xulka Ukraine.

Northern Ireland ayaana u muuqatay kooxda gacanta sarre ee ciyaarta laheyd qeybtii hore, waxaana lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah.

Daqiiqadii 48aad ayaa Waqooyiga Ireland  heshay wixii ay raadinayeen Laad xor ah oo uu soo qaaday Norwood ayaa waxaa madax la helay McAuley kaasoo ka dul kacay Khachediri waxaana ay aheyd kubad xoog badan oo koonerka sarre ee bidix ka gashay

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.

Tags: 


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Dad Goor Dhoweed lagu Dilay magaalada Muqdisho & faahfaahino Ka Soo Baxaya
- Apr 27, 2017
Galabta casar gaabadkii ayaa iska horimaad khasaare badan geystay waxaa uu ka dhacay degmada ...
Sawirro-Madaxweynaha Jubbaland Oo Xariga Kajaray Garoon Kubadeed Oo Casri ah.
- Apr 27, 2017
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u furay garoonka kubada Cagta ...
Sawirro:-Madaxweynaha Jubaland Oo Qado Sharaf U Sameeyay Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida
- Apr 26, 2017
Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado sharaf u sameeyay Sarakiisha ...
Midowga Afrika iyo Maraykanka oo Ka Wada Hadlay Arimaha Amniga Somaliya
- Apr 26, 2017
Stuttgart-deutschland-Shirkii dhawaan ka furmey magaalada Stuttgart ee dalka Germany ee ay soo diyaariyeen Taliska ...
Daawo-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Siwey Loogu Soo Dhoweeyey Turkiga.
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaaladda Ankara ee caasimadda dalka ...
Daawo Heshiis-kii Ey Wada Gaareen Dowlada Putland Iyo Urur-Diimeed-ka Cusub Ee Assadicun Bil Alxaq
- Apr 26, 2017
Daawo Heshiis-kii Ey Wada Gaareen Dowlada Putland Iyo Urur-Diimeed-ka Cusub Ee Assadicun Bil Alxaq
Daawo Wafti Ey Hogaaminayo Garaad Saleeban Iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salan oo Bosaso Soo Gaaray
- Apr 26, 2017
Daawo Wafti Ey Hogaaminayo Garaad Saleebaan Garaad maxmed  Iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salan oo ...
Madxweyne Somaliya Farmaajo Oo Turkiga Ku Wajahan
- Apr 25, 2017
Muqdisho-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta ku wajahan dalka ...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Ee Somaliya oo Maliintii Labaad xukun dil ah fulisay
- Apr 25, 2017
Muqdisho- Maanta ay Taariikhdu tahay 25/04/2017 waxaa Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ...
SAWIRRO:-Magacyada 4 Nin Oo La Sheegay In ay Ka Tirsanyihiin Al-Shabaab Dil Lagu Fuliyay!
- Apr 24, 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun Dil ah ku fulisay maanta oo ...