Xulka Switzerland oo Hal Dhibic Ka Helay Romania Qaranka Ruushka oo Hilfaha loo Qaaday iyo France Banaanka Iskeentay.


Xulka Switzerland ayaa barbaro ku qabtay xulka Romania ka dib markii uu Mehmedi barbareeyay gool rigoore ah uu Stancu hogaanka ugu dhiibay xulka Romania iyadoo ciyaar xiiso leh ay ku dhexmartay labada kooxood magaalada Paris.Romania-v-Switzerland-MAIN

Xulka Switzerland ayaa fursado fiican helay bilowgii ciyaarta, laakiin Romania ayaa loo dhigay rigoore daqiiqadii 18aad ee ciyaarta markii Lichsteiner uu maaliyada ka jiiday Chipcui, waana rigooradii labaad ee Romania loo dhigo tartankaan Euro 2016 ka dib rigooradii loo dhigay kulankii France.

Labo xiddig oo Juventus ah Patrice Evra iyo Lichsteiner ayaana labada rigoore galay waxaana ay ku galeen xulka Romania.

Sida caadiga aheydba waxaa rigoorada u soo istaagay Stancu kaasoo dhan qaldan u diray goolhaye Sommer ka hor inta uusan kubada ku aasin goolka. Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Romania ku hogaamineysay ciyaarta.

Balse Qaybtii danbe ee Ciyaarta ayaa lagu da,ay xulka qaranka Romania waxaana Mehmedi uu shabaqa Romania Dhex dhigay gool aad u qurux badnaa kaasoo ka dhigay ciyaarta Barbaro sidaasina ay labada kooxood min hal dhibic ku qaadatay .

Dhanka Kale Xulka France ayaa xaqiijistay inay u soo gudbeen wareega 16ka kooxood ee Euro 2016 ka dib markii ay gaareen guushoodii labaad ee Group A iyagoo 2-0 kaga badiyay xulka Albania, waxaana ay uga mahadcelinayaan gool waqtiga dhimashada uu u dhaliyay Antonie Griezmann oo ciyaarta bedel ku soo galay iyo Payet oo quusiyay Xulka qaranka Albania .ClBTC90WIAEW_Kb-620x414

Tababare Didier Deschamps ayaa wax ka bedelay shaxdiisa isagoo kursiga keydka u dhaadhiciyay Pual Pogba iyo Antonie Griezmann isagoo ka doorbiday inuu ku soo bilaabo Anthony Martial iyo Coman.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaase aheyd mid niyadjab ah iyadoo aysan labada kooxood helin fursado gool loo filan karo waxaana ay noqotay markii ugu horeysay tartamada Yurub ee qeybta hore ee ciyaarta aan la helin darbo goolka ku bartilmaameedsan tan iyo  Sanadkii 2008.France-v-Albania-Euro-2016-Group-A-2

Albania ayaa Qaybtii danbe ee ciyaarta lagu hoobiyay kubada waxaana arintaasi ay sababtay in difaaca birta ahaa ee Albania ay isku dhex yaacaan kadibna laba Gool shabaqooda la Taabsiiyo xili dhamaadkii Ciyaarta waxaana goolasha u kala Dhaliyay France Grienzmann iyo Payet oo isago goolkiisii labaad  dhashaday kulankii labaad ee uu safto Euro 2016

Sidoo Kale Slovakia ayaa saddexdii dhibcood ugu horreysay ka heshay Euro 2016 kaddib markii ay 2-1 ku dhufatay xulka Ruushka.ru-2

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 uu ku hogaaminayo xulka Slovakia

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Ruushka ayaa galay dadaal xoogan sidii uu isaga gudi lahaa labada gool oo waxaa soo maray fursado qaali ah daqiiqadii 67-iyo  77aad balse kama uusan faaidaysan .

Daqiiqadii 80aad ee xili dhamaadka ciyaarta ayaa Ruusha waxaa uu helay gool waxaana u dhaliyay Xidigooda Denis Glushakov .ru7

Ruushka masoo bandhigin Ciyaartii ay England la dheeleen waxaana qaybtii hore ee Ciyaarta ay ahaayeen kuwa uu ka muuqday daal fara badan balse qaybtii danbe ee Ciyaarta ayay dhaqaaqeen iyagoo la yimi Hal gool oo qura.

Sikastaba Ruushka ayaa heli waayay gool kale oo waxaa looga adkaaday 2-1, xulka Slovakia ayaa 3-dhibcood la leh xulka Wales oo beri la ciyaari doona xulka Ingiriiska oo hal dhibic wata.

Nagala Soo Xiriir

Umadanews1@gmail.com

Umadanews@hotmail.com.

Tags: 


()

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RELATED STORIES

Gaalkacyo-Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Gaalkcyo Lagu Dilay
- Apr 22, 2017
Gaalkacyo - Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland ...
Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Magaalada Bahar-Daar Ee Dalka Itoobiya Isagoona ka qayb Gelidoona Shirka Tana-Forum.
- Apr 22, 2017
Bahar-Daar:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa ...
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya
- Apr 22, 2017
Daawo Shacabka Imaaraadka oo Bilaabay Olole Kaalmo loogu ururinayo Somaliya  
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
- Apr 22, 2017
Daawo:-Ciidanka Waqooyiga Kuuriya : Macluumaad Laga Yaabo in aadan Horay Umaqal
Baarlamanka Puntland Oo Dib U Casriyeen Iyo qalabayn Casriya Lagu wado
- Apr 22, 2017
Garoowe:-Baarlamaanka Puntland oo dib u casriyayn caalamiya lagu bilaabay. Baarlamaanka Puntland oo tan iyo intii ...
SAWIRO+WARBIXIN:-Rag Soomaaliyeed oo Norway Ku Nool oo Bilaabay In Ay Taageeraan Dukaan Iibiyo Cunooyin Xaaran ah!
- Apr 21, 2017
Dalka Norway waxa uu ka mid yahay wadamada  dhaca qaarada yurub ,waxaana wadankaasi ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay Oo Amray In Diyaaradaha Tagaya Buuhoodle Fasax Waydiistaan Puntland
- Apr 20, 2017
Garoowe:-Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa amar ku bixiyay inaysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buula-barde
- Apr 20, 2017
Buula barde:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ...
Imaaraadka Carabta Oo Ka Hadashay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
- Apr 20, 2017
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay ...
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.
- Apr 20, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar ...